Waa Tee Su’aasha La Odhan Karo Waxa Ay Isku Fuuqsatay Xiisaha Kulankii Muuse Biixi Iyo Dhalinyaradu?

0
24

“Cabdiraxmaan Tuur Maalintii Gurigiisa La Galay Ee Weliba Bakooradeeyey Maanta Garaaddo Miidhan Bay sitaan, Waana Hebel iyo Hebel, laakiin……..”

“’Anigoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo Ciddii Qafal-Marjaca U Rogtay Waa Wasiirka Warfaafinta Mr. Cukuse Ee Isaga Halloo Yeedho”

Hargeysa:(Hubaal)-Da’yar Aqoonyahanno ah, ayaa su’aalo tiro badan oo aad u xiiso badan ku darandoorriday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, kadib markii ay fursad ugu heleen Barnaamij Su’aalo toos ah lagu weydiinayey Guddoomiyaha oo uu soo qaban qaabiyey Telefishanka HCTV.

Kulankan oo dhawaan lagu qabtay Hutel Green Plaza ee magaalada Hargeysa, ayaa Su’aalo tiro badan Guddoomiyaha lagu weydiiyey, waxana uu si saraaxad leh uga jawaabay Dhammaanba su’aalihii dhegihiisa soo gaadhay oo u badnaa qaar Shacabku faa’iido badan ka heleen.

Su’aalaha Guddoomiyaha la weydiiyey oo aad u badnaa, ayaanu akhristayaashayada uga soo qaadnay Midhadh kooban oo aanu xiiso gaar ah bidnay, kuwaas oo noola muuqday inay nala wadaagaan.

Su’aalahan kooban ee aanu Barnaamijkaas kasoo goynay, ayaa salka ku haya Taariikho hore oo Guddoomiyaha soo maray, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo turjumo, balse uu Muuse Biixi u sharraxay sidii ay ahaayeen, maadaama Tafsiirro kala duwan ay ku gaadheen Dhegaha in badan oo shacabka kamid ah.

Photo file Guddoomiyaha Xisbiga talada Dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi
Photo file Guddoomiyaha Xisbiga talada Dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi

Saddex Su’aalood, ayaa ugu xiiso badnaa Su’aalihii Guddoomiyaha la weydiiyey, waxana ah ahaayeen qaar uu Guddoomiyuhu jawaabaha uu ka bixiyey si weyn ugu raaxaysanayey, waxana ta ugu horraysaa ahayd su’aal la xidhiidha Qaraxyadii Shaanida lagu sheegay ee Hargeysa ka qarxay xilliyadii khilaafka siyaasadeed dhexmaray Guddoomiyaha Laftiisa iyo waliba Madaxweyne Siilaanyo badhtamihiii sanadkii hore.

Nuxurka Su’aasha oo ahaa in qaraxyadaasi la bilaabmeen Khilaafkii Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha u dhexeeyey, isla-markaana la dhammaaday tanaasulkiisii, ayuu Guddoomiyuhu sidan uga jawaabay,

“waa runtaaye maalmahaanu Siilaanyo Murmaynay wuxuun baa bacdaaa hayey, anigu shaani iyo raani wax ay ahayd ma aqaane wax way jireen, laakiin su’aasho ma kulmiye tuurayey oo is shiidayey mise waa naloo dhex raaciyey. Horto aynu baadhitaan samayno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Su’aal kale oo aad uxiiso badnayd, ayaa ahayd Weerar xubno dhalinyaro ahi ku qaadeen Aqalka Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali(tuur),xilligaas oo Muuse Biixi kamid ahaa xubnihii awoodda Badan ku lahaa Gudaha Magaalada Hargeysa, waxana uu u jawaabay sidatan, “Cabdiraxmaan tuur maalintii gurigiisa la galay aniga iyo Quule aadan Raggii Gurigiisa galay raggii Bakooradeeyey Ayaan kamid ahaa, waliba Kuwii galay maanta Garaaddo miidhan bay sitaan, waana Hebel iyo Hebel, laakiin Qalad dhalinyaronimo ayey galeen.”

Su’aasha la odhan karo waxa ay isku fuuqsatay Xiisihii kulankii Guddoomiye Muuse  la qaatay dhallinyarada aqoonyahanka, ayaa ahayd mid la xidhiidha Odhaah in badan Guddoomiyaha lagu shaambadeeyo oo uu xilli hore afkiisa ka yidhi taas oo ahayd in iyadoo maslaxad Laftiisa laga raadinayo uu ku maahmaahay (Anigoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo), balse waxa uu sheegay inaanu hadalka ujeeddadiisu sidaas aanay ahayn, waxana uu  tidhi, “anidoo wax dili kara Duco qaadan maayee Debci Qorigu hay faro, Horto waa Gabay Hadraawi tiriyey, aniguna waan ka xigtay anigoo khayriyada ka Hadlaya. Ilaahayba horto waxa uu ku rooneeyey way duuban tahay, Ciddii aan ku idhi iyo ciddii qafal marjaca u rogtay waa wasiirka warfaafinta Mastar Kucuse halloo yeedho isaga oo halla weydiiyo, Jawaabtaasi maalintii ay dhacday waxa ay ahayd maalin aynu Koonfurta is haynay, nimankaan ku idhina waa nimankaas diidan qarannimadeena, cajaladaadsan doon wariyayaashii Berigaas wax qori jirey way nool yihiin, siday kuugu soo sheegeen hadday tahay dembiile weyn baan ahay, Haddii kalena nin dalka daafacayey baan ahay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here