Akhri: Warbixin Uu Weriye Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe) Ka Diyaariyey Safar Shaqo Oo Uu Kaga Soo Laabtay Magaalladan
Laascaannood (Hubaal)- Bulsho weynta Somaliland ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa inta badan ka cowda qiimaha laydhka oo ay sheegeen in uu aad u sareeyo, habadda Magaalada Laascanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa ka duwan cabashada gobollada kale waxaanay nasiib u yeelatay in ay noqoto magaaladan ugu qiimaha jaban uguna laydhka Wanaagsan guud ahaan magaalooyinka dalka ka dib markii laga hirgeliyo taram dhinac Iftiinka ah oo aad u jaban . Wariye Axmed Maxamed Saleeban oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Laascaanood ayaa warbixntan ka soo diyaariyey waxaanay u dhigayd Sidan: “Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ah magaalada ugu korontada jaban gobolladada iyo magaalooyinka Somaliland, kadib markii halkaasi laga hirgeliyay Shirkadda Gurmad Solar Energy oo uu daah-furay muwaadin Maxamed Cabdiraxmaan Caraale Jabuutaawi.
Shirkadan ayaa magaalada Laascaanood laga ibo furay taariikhdu markay ahayd 01-dii bishii 3-aad ee sannadkan, 2017, waxaanay bixisaa adeeg laydh oo aad u jaban, iyada oo halkii Unit dadwaynaha laga qaado qiimo dhan 0.3 lacagta dollarka Maraykanka ah, una dhiganta laba kun iyo shan boqol oo Somaliland Shilin ah, waxaana markii hore laga qaadi jiray 1 dollar Unit-kiiba, taas oo shirkadihii hore uga jiray magaaladana ku khasabtay in ay iyaguna jabiyaan qiimaha korontada.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa si diiran u soo dhaweeyay daahfurka shirkadan laydhka ee Gurmad Solar Energy, iyaga oo ku tilmaamay in ay tahay gurmad dhab ah oo ILLAAAHAY u soo diray, isla markaana ka jabisay qiimihii kululaa ee laga qaadijiaray ladhka.
Maxamed Cabdi Xuseen oo ka mid ah bulshada gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo halkaasi meherad ku hasta ayaa dareekiisa cabiray, waxaanu yidhi “Anigu waxaan hastaa tukaan, waxaan maanta ku faraxsanahay in qiimaha laydhka ay naga jabisay shirkadda Gurmad Solar Energy oo qiimihii laydhka ka dhigtay 0.3, halka markii hore nalaga qaadi jiray 1 dollar, waanad garan kartaa faraqa weyn ee u dhexeeya, aad baanann ugu diirsanay qiimahaas jaban, waxaanan uga mahad celinaynaa masuuliinta shirkkadaas.”
Sidoo kale, Foosiya Madamed Jibriil oo meherad ku haysatada magaalada Laascaanood ayaa ka hadashay sida ay wax isaga bedeleen qiimaha laydhka, waxaanay tidhi “Waxaan buslhada reer Laascaanood la qabaa dareenkooda, ma jirto magaalo qiimaha nalku yahay 03$, ILLAAHAY baa noo soo diray shirkadda Gurmad Solar Energy, markii hore culays aad u ballaadhan ayaa na saarnaan jiray, abaal wayn baanu u haynaa magaalo ahaan iyo bulsho ahaanba shirkada Gurmad.”
Maxamed Daa’uud Xuseen oo ka mid ah dadweynaha magaalada Laascaanood ee isticmaala adeega korontada Gurmad ayaa sheegay in ka hor shirkadda gurmad Solar Energy laga qaadi jiray bishii inta u dhaxaysa 20 dollar ilaa 25 dollar, haddana laga qaado bisha oo dhan 5 dollar oo kaliya, waxaanu yidhi “Waxaan degenahay qol kaliya, waxaanan shidan jiray hal laambad, bishii waxaa la iga qaadi jiray 20 dollar ilaa shan iyo labaatan dollar, hadda waxaa ii baxda shirkadda Gurmad Solar Energy, bishiina waxaan bixiyaa 5 dollar.”
Maxamed Cabdiraxmaan Caraale Jabuutaawi, oo ah mulkiilaha shirkadda Gurmad ayaa ka hadlay adeegyada ay bixiyaan iyo waxyaabaha ah soo kordhisay shirkadiisu, waxaanu yidhi “Shirkadda Gurmad waxay soo kordhisay adeeg casri ah oo korontada laga dhalinayo tamarta cadceeda, maalintii waxay soo saaraysaa 600 oo KWT oo dab ah, waxaa la rabaa dadweynuhu in uu ka faa’iidaysto, dadweynihii ka baqayay lacagta qaaliga ah ee korontada ayaa la rabaa in ay ka faa’iidaystaan oo ay raashinka ku karsadaan dadweynaha iyo hudheelada cuntadada kariya labaduba, in talaagadaha iyo qasaaladaha lagu isticmaalo, labaatankii dollar ee dhuxusha la siisan jiray iyo labaatankii dollar ee gaasta la siisan jiray in ay labaduba u baaqdaan ayaanu cadceeda uga qabanay dabka, markaa waxaan leeyahay isticmaala korontada shirkada Gurmad idinka oo aan ka baqayn kharash badan, waxaanu ka dhignay 03 $ oo u dhiganta laba kun iyo shan boqol oo Somaliland shilin ah,”
“Shirkada Gurmad waxaanu u keenay in ay dadweynaha ka haqab tirto dabka iyo baahida korontada, waa in aanay xaafaduhu ka baqin oo ay hooyooyinku ku karsadaan cuntada, adeega korontada Gurmad waa laba qaybood oo kala ah kaadhka ku shubashada lacagta ee ah Prepaid, iyo adeega Postpaid, qofkastaaba qaabka uu doono ayuu isticmaalayaa qiimuhuna waa 03 $ oo u dhigma (2500) laba kun iyo shan boqol oo Somaliland shilin ah,” ayuu yidhi mulkiilaha shirkadda Gurmad Solar Energy Maxamed Cabdiraxmaan Caraale Jabuutaawi.