Madaxweyne Biixi Oo Bulshada Somaliland Faray In Lasoo Dhaweeyo Dadka Soomaaliyeed Ee Abaartu Keentay Somaliland
Hargeysa (Hubaal) Bulshada Somaliland ayuu Madaxweynuhu faray in lasoo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed abaartu keentay Somaliland islamarkaan aan laga ceshan biyo baad midna “Guud ahaan Somaliland waxaan farayaa in dadkaa xoolaha wata ee Abaartu waddo inaynu Naf iyo Xoolo la qeybsano oo ay noqdaan marti aynu soo dhaweyno in loo adkaysto oo aan waxba laga ceshan, inteena magaalooyinka joogtaa waa inuu u gargaaraa wixii uu haysto qoladaa abaartu hayso”. Ayuu yidhi madaxweynaha oo maanta ka hadlayay munaasibad uu xadhiga kaga jaray xafiis loo sameeyay cabashada haweenka
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inaan Hay’addaha Caalamiga ah kasoo jawaabin baaqii qeylo dhaanta Abaarta “Waxaan idiin sheegayaa Soddon sannadood waxaynu baranay hay’addahow nasoo gaadha oo wax na siiya horta waa masiibo layna baray dawarsigaa maynaan aqoone inaynu diidno ayey hore u ahayd oo waan tabcan lahayn, maanta waxaan idiin sheegayaa oo aan ummadda Somaliland u sheegayaa iyo dawladdo badan oo soo koraya kuwii aan odhan jirnay wax nasiiya ee tuulooyinka inoogu iman jiray, January horaanteedii ayaanu qeylo dhaanta u dirnay qolooyinkaa odhan jiray deeq bixiyayaal baanu nahay laba saddex hay’adood oo keenay waxaan $300.000 saddex boqol oo kun oo dollar gaadhin ayaa naga soo gaadhay, illaa maanta gurmad qoladaa naga soo gaadhay ma jiro, had iyo jeerna waa caado ay leeyihiin abaartaa loo qeyliyaa marka ay abaartu jabto ayey qamadiga keenaan oo hadhuudhkii jebiyaan”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabaya hadalo ka soo yeedhay maamulka Xamar ayaa yidhi “Waad la socotaan qoladaa markii hore aynu isku dawladda ahayn imikana isku magaca dhawnahay ee Xamar ka talisa dagaalada ay ku jiraan waxaad kala socotaan Media, Somaliland maalinta wax yar oo horumar gaadhaanba dagaalka u badan bay qaadaan, waxaan doonayaa inaan u sheego qolada Xamar, Chinuhu iyagoo wasiir ku xigeenkoodu socdo oo noo yimi baanu ku nidhi, oo haddana ku leenahay ciddina luqunta na qaban mayso oo waxa aanan doonayn noo tilmaami mayso, cidda aanu la xidhiidhayno, ciddina noo sheegi mayso, sidii waftigii wasiir khaarajigu u sheegeen Taiwan, maaha go’aan shakhsi, wasiir iyo guddi kasoo baxay, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah da’a kastuu yahay iyo meel walba uu joogo, tanna wixii ka dhacay iyo waxay u goosatay aabba-yaashiin iyo awoow-yaashiin waydiiya, Somaliland mid cid loogu hanjabo maaha Ilaahay bay aaminsan tahay Xoriyadeeday ilaashanaysaa halkaasay taagan tahay, ninkii hadlayna waa ina iska haddle”.