“Haddii Khaliif iyo Maamulkiisi Aqbaleen aad baan ugu mahad-naqayaa, una.…” Wasiir Cali Maxamuud Axmed
Hargeysa (Hubaal):- Wasiirka arrimaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle), ayaa u mahad-naqayo Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxda uu hoggaamiyo ee Khaatumo la baxday sida ay u aqbaleen inay wadahadal la furan dowladda Somaliland, isagoo sheegay in wadahadalkaas hordhiciisi bilaabmay, isla markaana mucdiisa maalmaha soo socda la guda-geli doono. Waxaanay Weftiyo Khaatumo iyo Somaliland ka socdaa ku kulansan yihiin magaalada Caynabo oo wejiga koowaad ee wadahadalku ka furmay. Wasiir Cali-Sandulle waxa uu sheegay Somaliland oo mid noqota oo waxyaabaha dhexdeeda ka jira ka saartaa inay horseedi doonto Somaliland awood leh oo isku duuban. “Runtii anigu waxaan u arkaa inay arrin wanaagsan tahay, waanan soo dhawaynayaa wadahadalkaas. Waxaan u arkaa in ay dantu ku jirto Somaliland in ay isu wada-timaaddo, markaas ayey wax noqonaysaa, markaa ayey Walaalnimadu buuxsamaysaa, inta cidi innaga maqan tahay waa wax innaga maqan, waana meel innaga bannaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali-Sandulle oo Axaddii shalay u warramay Bulsho TV. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku daray; “Markaa, inaynu wada gufayno oo la isu yimaaddo, oo hareeraha la wada qabto oo wax la wada qaybsado, haddaynu saami ka cabanayno iyo haddaynu ka cabanayno isku duubnideenna inta-ba markaas, ayay taabbo-galaysaa, aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa.” Cali-Sandulle wuxu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waad ogtihiin mawqifka ay Xukuumadda Somaliland ka qaadatay, mar walba dib-u-heshiisiin iyo in la isu-yimaaddo marar badan baa lagu dhawaaqay, wakhti badan bay gogosha nabadeed taallay, maanta haddii qoladii kale ee Khaatumo ama Cali Khaliif iyo Maamulkiisi aqbaleen aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa.” “Dowladduna way oggolaatay, waanad maqlayseen dowladdu inay heshiiskaas diyaar u tahay, hordhiciisana wuu bilaabmay, mucdiisiina haddaa la geli doonaa, iyagana imaatinkooda waan uga mahad-celinayaa, Xukuumadda iyo siday u soo dhawaysayna waan uga mahad-celinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali-Sandulle.