Qalinkii: Axmed Cabdi Wacays
Tan iyo bishii April oo ahayd markii loo dhaariyay jagadda Raisal wasaraha Itoobiye Dr. Abiy Axmed, wuxuu qaaday talaabooyin waaweyn oo aan marnaba laga filayn. Dalkan oo muddo dheer ay ka jirtay xukun digtaatooriya oo cabudhin, jidh-dil iyo kutumashadda xuquuqal insaanku ay ahayd mid uu ku caan ahaa. Waxa jirta in dadka qaar ay u arkaan in uu dedaaladan uu waddo Mr. Abiy Axmed ay yihiin kuwo deg-deg ah ama nin guuxiisa ka dheeraynaaya. Xaqiiqatan arrintu taas wey ka fog tahay waana sababta aan ujeclaystay in aan qoraalkan idinla wadaago; ugu horeyn, raisal wasaaruhu wuxuu rabaa in uu soo afjaro isir nacayb bulshadiisa dhexdeeda ku sii xoogaysanaaya ugana hortago dagaalo sokeeyo oo dalkiisa ka qarxa una horseedi kara burbur iyo rafaad aanay itoobiya ka soo kaban karin. Isagoo taas ka duulaya Waxa uu safarkiisii ugu horeeyay ku tagay dawlad deegaanka Soomalida ee Jig-jiga 7dii April, 2018, si uu ugu muujiyo kalsooni maamul hoosaadka somalida itoobiya islamarkana indhaha caalamka-ku soo jeediyo xalinta colaada gaamurtay ee qoomiyaddaha Somalida iyo Oromada. Waxa kale oo safaro noocan oo kale ah uu ugu kicitimay dawlad deegaano kale sida amxaaradda iwm.
Arrinta labaad ee raisal wasaaraha ku qasbaysa in uu isbedelo degdega ku talaabsaddo waxay tahay in uu Meesha ka saaro colaadihii hubaysnaa ama dhaqaale ee ka dhexeeyay wadamaada jaarkisa sida Eriteriya, Somaliya, Djibouti, Sudan, Masar, iwm. Talaabadan oo ka dhigi karta geeska afrika meel nabdoon oo laf-dhabar na unoqon karta dhaqalaaha qaaradda afrika iyo aduunkaba. Arrinta saddexaad waxa loo nisbeyn karaa in uu soo celiyo sumcaddii uu itoobiya ku lahayd adduunka oo sanadihii ugu danbeeyay hoos usii dhacaysay. Islamarkana uu gacan uga helo adduunka gaar ahaan maraykanka oo ay muddo ba kala aragti ka ahaayeen dhanka dhaqaalaha taas oo mararka qaar loo nisbeeyo in uu ka danbeeyo kacdoonadda shacabka gaar ahaan qoomiyahadda oromadda ee lagaga soo horjeeday dawladda itoobiya.
Waa maxay faaiidooyinka uu keeni karo isbedeladana raisal-wasaare Abiy uu waddo
Dhanka itoobiya, talaabooyinkani waxay uga dhigan tahay waa-cusub oo ubaryay oo ay tahay in ay ku fara-adaygaan/bar bar istaagaan. Waxa muuqata in ay isbedelayso aragtidii ku dhisnayd cabudhinta iyo caga juglayntu islamarkana bedelkeedu socdo. Waxay keeni kartaa bulsho aragtida iyo curinta ka xor ah taas oo wax badan ku soo kordhin karta koboca dhaqaalaha, is dhexgal iyo wadda noolaansho ee qoomiyahadda kala duwan ee itoobiya. Waxay keeni kartaa in la tayeeyo hayaddaha dawladda taas oo abuuri karta sinaan iyo cadaalad islamarkana Meesha ka saari karta isku dul noolaansha qoomiyadaha xag dhaqaale ama siyaasadeedba.
Dhanka geeska Afrika; Waxa uu horseedi karaa kor ukac dhaqaaale oo ka dhasha isku-socodka ganacsiga ee wadamadda geeska afrika. Waxay keeni kartaa wada-noolaansho, amni, deris wanaag geeska Afrika ka curta maadama oo wakhti badan uu degelkani uu colaado iyo dagaalo faraha lagaga gubtay ay ka jireen.
Inkastoo aynu dul ka xaadis ku samaynay faaiidooyinka isbedeladani keeni karaan balse waxa hubaal ah in ay jiraan caqabo waaweyn oo wiiqi kara dedaaladan raisal wasaaruhu waddo oo kaga iman kara gudaha dalka iyo dibediisaba. Waxa durtaba soo ifbaxday tii gudaha oo kooxo arrimahan aynu kor k usoo xusney ka biyo diidani shalay qarax la beegsadeen isku soo bax balaadhan oo shacabka itoobiya taageero ugu muujinaayeen isbedeladda uu waddo raisal wasaaruhu. Falkan foosha xun oo ahaa mid laga yaq-yaqsoodo waxa dhaleeceeyn balaadhan dusha ugaga tuuray hogaamiyayasha adduunka badidoodu. Waxa isaguna falkan foosha xun ka hadlay raisal wasaare Abiy Axmed kuna tilmaamay weerarkaas ”Isku day aan guuleysan oo ay wadaan canaasiir diidan midnimada itoobiya”
Ugu dambayn, isbedelka itoobiya ka curtay waa mid tusaale iyo kudayasho mudan islamarkana madaxda qaaradda Afrika gaar ahaan kuwa Soomalida looga baahan yahay in ay wax ka bartaan lana yimaadaan bisely iyo ku dhac la mid ah kan raisal-wasaare Abiy Axmed ka itoobiya la yimi.
Guul, Midnimo iyo Gobonimo, Itoobiya.
Qalinkii: Axmed Cabdi Wacays