Muqdisho(Hubaal):- Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka mid ahaa Afarta Musharrax ee u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka doorashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo hadda ka socota Xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ah Ra’iisal-wasaaraha Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, kana mid noqday afarta musharrax ee wareegga labaad u soo gudbay, halka ay ka hadheen 18 Musharrax oo iyaguna tartamayey, ayaa markii uu bilaabmayey wareegga labaad ee doorashadu waxa uu ka hadlay Hoolka doorashadu ka socoto, waxaanu sheegay in dhinac wax u janjeedhaan.
“Waan dareemi karaa Meesha uu guuxiinnu jiro (Xildhibaannada), sidaa daraaaddeed, waxaan goostay inaan tanaasulo.” Sidaa ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo Codadka uu wareegga labaad ugu soo gudbay ama uu haystay ay ahaayeen 37 Cod oo ka dhigay Musharraxa kaalinta afraad ku jira ee ugu codka hooseeya afarta Musharrax ee ka soo gudbay wareegga koowaad.