Faysal Cali-waraabe Oo Wasiirka Madaxtooyada Ku Dhaliilay Ka Qayb-galka Dooddii BBC-da
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ku canaantay inuu qayb ka noqday dooddii Jimcihii dorraad ka baxday idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga oo lagu casuumay xubno aan aamin sanayn qaranimada Somaliland.
Guddoomiye Faysal, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa in xubnihii dooddaa ka qayb-galay oo uu hor boodayey Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar aanay istaahilin inay arrimaha Somaliland ka hadlaan, waxana uu wasiir Maxamuud Xaashi ku canaantay inuu arrintaas aqbalay, “Waan ka xumahay inuu Maxamuud Xaashi dood la wadaago dad aan Somaliland aaminsanayn, kuwaas oo kale waxa la yidhaahdaa naga taga geesba uma wada tukanee, inagaana cadawgeena u yeedhanayna”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu Idaacadda BBC-da ku eedeeyey inay si gaar ah usoo xulato shakhsiyaadka horumarka Somaliland aan jeclayn, isaga oo xusay inuu dacwad arrintaas ka dhan ah u diray, waxana uu yidhi, “Dooddii dhacday Idaacadda BBC-da waan ka ashkateeyey inay annaga noosoo ururiyaan dadka nacabka ah oo ay yidhaahdaan ka taliya waxanu u aragnaa inay Borobagaandhe Somaliland ku wajahan ay tahay, wasaaradda arrimaha dibadduna waa inay qoraal degdeg ah samaysaa.”
Waxa uu su’aal geliyey sababta ay Idaacaddu doodaheeda ku saabsan Somaliland uga qaybgelin weyday shakhsiyaadka qaddiyadda Somaliland aaminsan, isaga oo tusaale usoo qaatay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo wakhtiguu uu mabda’a Soomaaliweynta aaminsanaa inta badan doodahan qayb ka noqon jirey,“Cabdi Ismaaciil Samatar oo Somaliland Waqooyi ku sheegaya bay waraysteene maxay Axmed Ismaaciil Samatar u waraysan waayeen illayn markii uu Soomaaliweynta ahaaba way waraysan jireene”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in saldhigga Militeri ee dalka Imaaraadka Carabta laga siiyey Berbera uu noqdo mid si weyn loo hadal hayo, iyada oo aanay cidina carrabaabin saldhigyada dhiggiisa ah ee laga samaystay dalal badan oo geeska Afrika ku yaalla, waxana uu yidhi, “Djibouti baa saldhig laga sameeyey, Asmara ayaa laga sameeyey oo Suudaan baa laga sameeyey cid ka hadashayna ma jirto, laakiin maxaa inaga teena bannaanka wadhay.”