“Waan Ka Xumahay Oo Aad Iyo Aad Baan Uga Xumahay,Waxna Uma Tari Karo Saaxiibkaygii Hore, Balse Waxan Odhan Karaa……..” W/Q: Muj. Cali Guray

0
111

WAAN KA XUMAHAY OO AAD IYO AAD BAAN UGA XUMAHAY

Siyaad Barre ayaa ugu badnaa Madaxwayne lagu dhaliilo suugaan oo amma heeso loo tiriyo ama gabayo. Dahir Rayaale hal hees ayaa maalmihiisii ugu dambeeyay loo tiriyay oo ” SOO DHAADHAC”la yidhaa. Isla abwaankii tiriyay heestan Silanyo marku sedex sanadood xilka hayay ayuu casaabadda u tiriyay oo markan isaga laftiisu u qaaday ” SOO DAATA SOO DAATA”. Isku wada dar Madaxwaynayaasha Soomaalida ah oo dhan ee Suugaanta lagu dhaliilo wuxu Madaxwayne Silanyo ka noqday kaalinta labaad marka laga soo bilaabo AHN Aadan Cabdille Cisman iyo Cabdirashid Cali Sharma’arke oo waxa ka horeeya uun Siyaad Barre in kasta uu kacaanki jiray 21 sanadood. Hadii uu madaxwayne Silanyo mudadaa mid la mida joogi lahaa bal ka warama? Waxay ila tahay kuwa muddo kordhinta u sameeyay in aanay isaga wax tara is lahayn ee iyagu wax taransada is lahaayeen tii Allehna meel u sii taal. Caligurey hadii aan ahayse maxaa kale ee ii furan saw sidii Ustaadkii in aan ku tiraabo maaha: “ISKA HADHAYE AAKHIRONA WAA LAMA HURAANKII EH”cali guray 2

Ninka warmaha murtida suugaantu ay laba muquurayaan maaha Madaxwayne xukunka ku qabsaday qori caaradii sidii Siyaad Barre balse waa nin dad kiisu si dimuqraadi ah ugu doorteen doorasho xor ah oo xalaal ah, oo weliba in badan oo horena aan qiray inu yahay qof shakhsi ahaan wanaagsan lakiin nasiib daradiisa intii hareero joogtay ee u hiilin lahayd ay ka hiiliyeen oo aanay waxna u reebin waxna ula hadhin. Halkii ay iyagu marada ku qaban lahaayeen ey asturi lahaayeen ayay runtii iyagi qaawiyeen ilaa uu noqday Madaxwayne loo tiriyo oo lagu caayo wax aanu isagu galabsan iyo eedo aanu gelin ee dad kale hadh iyo habeen magaciisa ay ku gelayaan. Waanan ka xumahay runtii aad iyo aad baan uga xumahay waxna uma tari karo saaxiib kaygii hore balse waxan odhan karaa: “BERI NIMAA GACAL AHAYDEEN HADII LAGA GOL ROONAADO, OO GACANTU INAY HIILISAA KUU GAR NOQON WAYDO, ILAYN WAAD GALGALATAA SIDII GAAJO NIMAY HAYSO”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here