Waan Ooyayaa…!!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Qeybtii 3-aad.
Ciidamaddii kala duwanaa ee ay Xukuumaddu usoo dirtay inay wax ka qabtaan waxyeeladda ay dadka iskugu jira tuugta iyo dabaajiirta kale ku hayaan goobaha Ganacsi ee Suuqan,ayaa waxay qaadeen ol-ole balaadhan oo ka dhan ah dadkaas tartilmaameedka u ahaa.
Waxa si aan kala sooc lahayn Baabuurta astaanta Ciidamadda Amaanka leh ka buuxiyeen tobonaan qof oo iskugu jira tuug,xabaglayaal,Ragg xiska ka naafo ah,ama waalan iyo shaqasiyaad iska gidaar la-nool ahaa.waxaanay balan ku qaadeen in aanu jiri doonin qof danbe oo xilayadda Habeenkii lagu arki karo Suuqa dhexdiisa iyo meelaha ka ag -dhaw.marka laga reebo Ilaaladda Meheraddaha Ganacsi ee ay Hantida badani dhex taalo.
Nasiib-darro waxaan ka mid noqday Dadkii ay Saamaynta taban ku yeelatay talaabadaasi,waxaana dhacday in aniga iyo tobonaan qof oo kale lagu guray Baabuur waaweyn oo shabaqla-yaal ah,taas oo ay intaas noo dheerayd hab-dhaqanka Ciidamadda hawl-galka fulinayay oo noola dhaqmay sidii oo aanu nahay danbiilayaal muddo dheer baxsi ku jiray oo hadda gacanta lagu dhigay.waxa naloo adeegsaday xoog xad dhaaf ah,waxaana lana gaadhsiiyay jugo badan oo haddii baadhitaan Caafimaad lanagu samayn lahaa,lanoo arki lahaa dad ku sugan Xaalad Caafimaad-daro oo khatar ah.
Qaar naga mid ah gacan baa jaban,qaar lug baa jaban,qaar-na waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo ay sabab u ahayd firxashadii ay nafahooda kagala baxsanayeen gulufkan xoogan ee Xiligan saq-badhka ah lagu miray.balse waxaas oo dhib ahi uma qudh-quudhsana dadkan nasoo qabtay iyo kuwan lanoo keenayba.
Waxa Wakhti badan lana dhex wareejinayay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladdan aanu ku nool nahay,iyada qof kastaba la geeyay Saldhigiyo kala duwan,isla markaana aad u kala durugsan.
Waxa layla xidhay koox Ragg ah,oo iskugu jira qaar waaweyn iyo qaar Yar yar.waxa war war badani iga hayaa Xaaladdan kale ee ila soo daristay.waxa maankaygu ileeyahay Suuqii aad Maalin-lahaaga kala soo baxaysay iyo Habeenkii aad Cooshadda Yar iska seexanaysayna dan bay ahayde,hadda waxaad soo gashay meel aan Cidina kuu ogayn inaad ku jirto,Cidina aanay aanay sidoo kale kuu ogayn inaad tahay Qof aan danbi lahayn oo sabab la’aan jeelka loogu soo tuuray.
Waxa dhaawac igaga yaalaa Wajigga,kaas oo iga soo gaadhay meel aanu ku kufay aniga oo isku dayay in aan raafka xoogan ee Suuqa ka jira aan uga baxsado goob gabaad iiga noqota.
Waxa intaas ii dheer jugo badan oo iskugu jira; haraati,feedh iyo budhadh ay ila dhaceen koox askar ah oo I baacsanayay markaan ordaayay.
Waxa sawir ah kama haysto Xaaladda dhabta ah ee ka jirta goobtan dhamaan aasaa-siyaadkii nolashu ay aadka u liitaan,aan ahayn goob ay ilaa xad ka fogtahay inay nololi ka jiri karto,ama laguba fikiri karo inay nolol sidan ah ku noolyihiin boqolaalkan Qof ee ay halkani mudooyinka badan ay Hoygooda Rasmiga ah ahayd.
Dhaqanka meesha ka jiraa waxa uu yahay; waxii cunto ah ee loo keeno Maxaabiista,waa mid Askari iyo maxbuusba loo simanyahay. Xattaa hadii wax laguu keeno ma garan kartid ta laguu keenay,waayo Askariga meesha horjoogaha ka ahi waxii uu daaqadaas kasoo fiiqo ama kasoo dhiibo waxa loo yahay garbo-siman,mana jirto wax adiga ama isaga gaar u ahi.
Markaas ninkii aan cidina u maqnayn,ceelna u qodnayn farxad iyo rayn-rayn ayuu iskaga jiraa,intasta oo ay Xoriyadiisii laal’antahay.
Waxa kale oo koox kasta oo Maxaabiis ah,isla markaana meel kuwada xidhani isla wadaagayaan Sheekooyin iyo dhacdooyin wajiyo badan leh oo ku aadan waxay dhab ahaan daaran tahay sababta ay halkani hoygooda u tahay mudada dheer,waxii u kordhay intay halkan joogeen iyo rajadda ay ka qabaan inuu Ilaahay mar uun goobtan ka saaro,isla markaana ay dib u hantaan Xoriyadoodii.
Muddo dhawr sanno ah ayaan halkii (Jeelka) ku jiray,waxna aan la qabay dadkaas (Maxaabiista kale) uu wakhtigu is-kaaya baday. Dhamaan kooxdan meesha ku wada jirtaa si fiican ayay isku barteen,waxaana ay noqdeen sidii Qoys kaliya oo meel ku wadanool. Waxa inta badan si weyn loo wada gor-feeyaa haddiiba Ilaahay ka samata-bixiyo Jeelkan ay ku jiraan,waxa uga meel yaala nolasha cusub ee ku soo fool leh iyo siday tahay in qof kastaaba uu u waajaho xaqiiqdaas hor iman doonta.
Iyada oo sidaas xaal yahay,ayaa Maalin maalmaha ka mid ah waxa Madaxdii horjoogayaasha ka ahaa Jeelka, kasoo yeedhay war Farax leh..!! kaaas oo odhanaaya…
La Soco….
Fiigo Gaar Ah: Sheekaddani aniga iguma saabsana…!!!