Waan-waan Xalay Lagu Sii Daayay Wiilkii Imaaraadka Laga Soo Tarxiilay Oo Shalay Markuu Madaarka Hargeysa Kasoo Degay La Xidhay

0
69

Dawladda Qatar Oo La Weriyey In ay Wiilkan U Fidisay   Sharci Degennaansho Rasmi ah Iyo Deeq WAxbarasho

madarr

Hargeysa(Hubaal) Ismaaciil Cumar Madar, oo ah wiilkii dhawaan tartanka Quraanka kaga qayb galay dalka Imaaraat-ka ee la soo mastaafuriyey oo ay shalay  xidheen ciidanka Booliisku ayaa cawayskii xalay la sii daayey, kadib markii ay dedaal dheeraad ah u galeen Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray [Siiro] Iyo Xil. Cabdicasiis Aadan Habanne (Siisto] kuwaas oo ka dalbaday xukuumadda Danbiga loo haysto. Sida uu Safiirka Somaliland ee Imaaraat-ku warbaahinta u sheegay waxa loo xidhay safar uu Qadar ku tagayey, hase yeeshee Sheekh Aadan Siiro iyo Xildhibaan Siisto ayaa xukuumadda ku qanciyey in Damiin loogu sii daayo wixii danbi ah ee loo haystana la keeno. Ciidanka Sirdoonka oo fuliyey xadhiga Ismaaciil Cumar Madar ayaa aqbalay codsiga labada masuul, waxaanay goor dhaweyd usoo celiyeen xorriyaddiisa si damaanad ah. Illaa hada lama oga danbiga uu galay Ismaaciil, inkasta oo safiir Baashe sheegay in looga soo mastaafuriyey Imaaraat-ka dacaayado ka dhan ah xulafada sucuudiga oo uu bartiisa Facebook-ga ku baahiyey, immikana Qadar u tagayey isla arrimahaasi oo ka soo horjeeda Mawqifkii Somaliland ka qaadatay cunaqabataynta dalkaasi saaran. wararka laga helayo safarka wiilka la soo daayey ayaa sheegaya inay dawladda Qadar u fidisay casuumad rasmi ah isla markaana ugu deeqday deganaansho rasi ah iyo waxbarasho bilaash ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here