“Waanu Soo Dhaweynaynaa Go’aankii Uu Soo Jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Ku Saabsanaa Aminta Doorashooyinka Dalka “

0
34

War-saxaafaded Guddoomiyaha Xibiga Waddani Ee Gobolka Buuhoodle Mr.Fu’aad M Mixile

Hargeysa(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Buuhoodle Mr.Fuaad Maxamed Mixile ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay gobol ahaan ku taageerayaan Go’aamadii uu dhawaanta soo jeediyey Gudoomiye Cirro

War-saxaafadeedkan oo nuqul kamidi nasoo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

milixleAnigoo ku Hadlaaya Magacayga iyo kan Xisbiga Wadani ee heer gobol iyo heer Qaran waxaan halkan ka bayaaminayaa in aanu ka gobol ahaan dadweynaha iyo Taageerayaasha gobolka Buuhoodle ee Xisbiga Waddani aanuaad usoo dhaweynayno isla markaanaaanu aad u taageersanahay go’aankii uu dhawaanta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Guud ee Xisbiga Wadani Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro kaasoo ujeedkiisu daarnnaa in aan Maalin loogu dari Karin Xukuumadan Waqti-xileedkeedii dhamaadayiyo Golaha Wakiiladaba in la kala diro isla markaasina aan maalin siyaado ah loogu darin.

Hadaba anigoo ku Hadlaaya Magaca Masuuliyiinta Xisbiga iyo Taageerayaasha Gobolka Buuhoodle ee Xisbiga Waddani waxaan mar labaad halkan ka cadaynayaa in aanu aad usoo dhaweynayno isla markaanaaanu aad u taageersanahay go’aankii uu dhawaanta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Guud ee Xisbiga Wadani Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirrokaasoo aanu u aragno in Badbaadada Ummadda iyo Qaranka Somaliland ku jirto isla markaana ay muhiim u tahay dhismaheena dawladeed

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobolka Buuhoodle

Md.Fu’aad Maxamed Mixile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here