Wasiir Maxamuud Xaashi.
Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka qayb galay munaaisbad oo laga dhawaaqay is af garad laga gaadhay Muran ka dhashay mashaariic ay Xukuumaduu ka wado banka Qoolcaday ee koonfurta gobolka Maroodijeex.
Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo hogaaminayey watfi balaadhan oo xukuumadda iyo xisbigeeda isku jira, ayaa khudbad ka jeediyey munaasibadaasi oo ka dhacday Deegaanka Qoolcaday, waxa uu ku sheegay in xukuumadda uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaamiyaa hirgelisay qorsheyaal horumarineed, kuwaas oo hirgelintoodu meelo badan ka socoto,“ Umaddi waxay ku horumartaa adeegeeda bulshada oo kor loo qaado sida mashruucan aynu maanta wadno Biyo iyo Caafimaad, iyo kaabayaasha dhaqaale ee kale sida wadooyinka Dekedaha iyo Madaarada. Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo qorshe ayey dalkan u samaysay oo aan hore u jirin, qorshahaasi wuxuu ka turjunayaa horumarka wadanka. Deegaan walba waxaanu u qorshaynay wuxuu u baahan yahay, Cadaalad ayaanu gobolada ugu qorshaynay, bankani biyo ayuu u baahan yahay, mashruucani wuxuu ka turjumayaa qorsheyaashaasi.” Ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirku waxa uu carrabka ku ballaadhiyey xal guul ah oo laga gaadhay is afgaran-waa hore uga dhashay mashruuca banka Qoolcaday, waxana uu yidhi, “ Xoogaa is fahan waa ah ayaa mashruucan ka soo baxay, mashruucan in cid lagu keeno iyo in cid lagu soo daabulo looma samayn, waxa loogu tallo galay inuu deegaankan nooleeyo, oo silig lagu xidho, seerihii uu ahaan jirayna laga dhigo, dadka munaafacaad-sanayaana waa intaa taala, cid lagu soo rarayaa ma jirto, Nasiib darro waynu isla garan waynay.”
Mashruucan Biyaha lagaga hirgeliyey deegaanka qoolcaday, ayaa uu wasiirku muhiimaddiisa ku dheerday, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Mashaariicda horumarinta dalku waa laba midi dan qoys iyo dan deegaan weeye midna waa dan qaran, mashuucan biyuhu waa dan Umadeed, haday deegaankan odayaashiisu yidhaahdaan la samayn maayo, dawlad ahaan ka yeeli mayno, Umaddu biyo ayey u baahan tahay, Umaduna way badan tahay, deegaankani wuu qayb sanaa Diidmadana nin kaliya ahi ma laha. Koox kaliyahina ma laha, cadaaladu waxa weeye in aqlabiyada dadka deegaanka la eego waxay doonayso, biyuhuna waa lagama maarmaan, hadii ay diidaan intii diidanayna xoog ayaanu ku qodi lahayn, Riigana waxaanu halkaa u dhignay inaanu dadka qancino, dawlad mudakar ah oo majuura ayaanu nahay, oo aan xooga ku bilaabin ee dadka qancisa, caqligaanu dadka ka korinaa, Cududuna Dawladnimada ayey ka mid tahay hasayeeshee waynu isla garanay, meel fiican ayeynu isla dhignay, waxana inoo balan ah wixii aynu ku heshiinay.”
Wasiir Xaashi ayaa Xusay in arrinta Seeraha banku ay tahay mid deegaan, hadii dadka deegaanku ay diidaana aanay XUkuumad ahaan khasab ku fulinaynin waxaanu yidhi “ Siligu waa dan deegaan, xoogna ku fulin mayno qasbina mayno, haday deegaanku diidaan faraha ayaanu ka qaadaynayaa hada ayaanu idiin sheegaynaa.”
Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtooyadda ayaa ka hadlay sida ay ugu go’an tahay Xukuumad ahaan in la fuliyo mashaariicda danta u ah Qaranka Somaliland waxaanu yidhi “ ILAHAY masuuliyada wadankan cid ayuu u dhiibay, Xukuumadii la doortay ayaanu nahay, hadii aynu yeedho yeedho ku baqo guulno socon mayso, waxaan leeyahay Hanjabaad igama aha, Kibirna igama aha, waar budh ku maalkana ma naqaano, sidaana ku baqo guuli mayno, Mashaariicda wadankan ee dantu dalka ugu jirto waanu meel marinaynaa, caqli iyo garasho ayaanu ku meel marinaynaa, xoogna waanu ku daraynaa, hoosta ayaanu ka xariiqaynaa.”