Waxa aan joogay madaarka diyaaraduhu ka haadan ee Cigaali airport ee magaalada Hargaysa.
waxa aan la kulmay dhacdo run ahaantii aan dadkeenu ama reer hargeysa aanay dhaqan u lahayn isla markaana aad garan karayso dhaqanada noocan oo kale ahi inay nagu cusub yihiin.
Waa goor aroor ah oo sidii caadada ahayd ay ka adeeganayaan dadka ama muwaadiniinta socdaalaya iyo kuwa soo dagayaba. Waxa albaabka dadka dhoofaya lagu checking gareeyo oo sharciga laga doonayo lagu waydiiyo aan kula kulmay askarta goobtaas fadhida ee controlinka wada iyo nindoonaya inuu ka gudbo albaabka oo askartu ay joojisay dabadeed hadalo ay is weydaarsanayaan. Ninkan oo isagu kamid ahaan jiray masuuliyiintii xukuumadii daahir rayaale ee khaatumadii ugu dambeysay ee tartankii ololaha doorashada ka baxay xisbul xaakimkii waagaas oo u wareegay kulmiye oo mucaarad ahaa.
Ninkan oo xaga haybta ay isku jilib yihiin madaxweynae siilaanyo ayaa sida uu isku jajabinayao kaalay arag.
Askartu waxa ay weydiinayaan keen baasaboorkaaga hadii aad dhoofayso, isaguna ilayn ma dhoofayee dankale ayuu meesha ulahaa.
Waxa uu cod sare ku leeyahay isaga oo hareeraha kolba eegaya “maydaan igaranayn aniga” “waar bal waxan eega”
Askarigu sharcigiisa ayuu ku taaganyahayoo waxa uu ku leeyahay “meeshan lagama dheelo taase anagu sharciga nala faray uun baanu garanaynaa”
Kelmadii “maydaan igaranayn aniga” ayaan la yaabay oo runtii ah wax lala yaabo. Calashaan qofka markaas arkayay ninkaasi sida uu u leeyahay ee uu ugu soo celcelinayo kelmadaas yaab iyo fajac buu qaadi lahaa.
Aniga hoos isula yar hadlayoo waxaan idhi “waar ma dastuurka ayuu ku qoran yahay waxa uu yahay” mise calanka Somaliland ayuu ku sawiran yahay”
Intaasaan joogay meeshoo wali tanoo kale ha sheegin. Bal hadii uu xil dalka ka hayn lahaana maxaydun ka fililahaydeen baan is idhi hadana
Taasna way ii dhinayd oo maamulkan siilaanyo dhacdooyinkiisii ayaan baal kamida geliyay.
Wasalaamu calaykum
By: nin daran,maskiin caawiye