Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Beellaha Dan-wadaago & Maxamed Daa’uud Oo Dhoolla-tus Ku Soo Bandhigay Cududdooda Taageero Ee Murrashaxiinta UCID
Hargeysa (Hubaal) – Beelaha Danwadaago iyo Maxamed Daa’uud ee (Ciiddagale), ayaa kulan ay iskugu yimaadeen, waxay ku shaaciyeen inay Taageeraddooda iyo Cududdooda iskugu gaynayaan oo la garab taagan yihiim Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, waxaanay balanqaadeen in kulamo soo socda ay ku muujin doonaan bulshaddooda oo midaysani inay Xisbiga UCID doorashadda garab tagan tahay inay u codeeyaan. Shir Jaraa’id oo ay shalay ay Magaaladda Hargeysa ku qabteen Madax dhaqameedka, Aqoonyahanka, Xildhibaanadda, haldoorka Beelaha Ciiddagale ee Danwadaago iyo Maxamed Daa’uud ee (Ciiddagale) oo ay kala soo qaybgaleen, Xoghaye ku xigeenka guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax , Xoghayaha Xidhiidhka Goboladda iyo Degmooyinka ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf , Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi Jeex md Maxamed Aadan iyo masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsani, waxa halkaasi taageero balaadhan looga muujiyey Murashax Faysal Cali Waraabe iyo Ku xigeenkiisa ee Xisbiga UCID oo ay u balanqaadeen inay taageeraddooda codka doorashadda siin doonaan. Caaqil Adan Caaqil Ibraahim oo ugu horeyn ku hadlaayey Aqoonyahanka iyo Beelahan taageeraddooda la garab istaagay Xisbiga UCID waxa uu yidhi “Dacaayadda Xisbiga UCID laga dacaayadaynaayo Suuqa ee waliba Ciidagale ka dacaayadaynaayo Suuqa , walaalayaal haka daayeen, waar ninkii aan Faysal codka siineyn ee Ciiddagaloow dacaayadda iyo aflagaadada ka daa ayaanu ku leenahay anagu hadii aanu nahay beelaha halkan maanta iskugu yimidna shirkani waa hor dhac oo xafladdo soo socda oo waa weyn ayaanu ku muujin doono taageeradda aanu xisbiga UCID u hayno iyo murashaxiintiisa”. Guddoomiyaha Beesha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe/Ciiddagale) Oday Muuse Mataan oo isaguna halka ka hadlay, ayaa halkaasi ka cadeeyey inay cududooda iyo taageeraddooda la garab taagan yihiin Murashax Faysal Cali Waraabe iyo Ku xigeenkiisa ee UCID waxaanu halkaasi ka balanqaaday inay dhawaan cududooda taageero ee ay UCID u hayaan munaasibado balaadhan ku muujin doonaan isaga oo halkaasi fariin uga diray Beesha uu guddoomiyaha u yahay oo uu ugu caqli celiyey in aanay marin habaabin. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi Jeex md Maxamed Aadan iyo Xoghayaha Xidhiidhka Goboladda iyo Degmooyinka ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf oo iyaguna halka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dhamaan bulshadda Beelahan taageeraddooda u muujiyey inay codka siin doonaan Xisbiga Mucaaridka ee UCID Doorashadda Madaxtooyadda ee dalka ka dhici doonta. Xoghaye ku xigeenka guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo isaguna ugu dambeyntii halka ka hadlay waxa uu yidhi “Marka hore dhamaantiin waa idiinka mahadcelinaynaa bulshaddiina xafladdan nagu maamuustay ee taageeraddiina Xisbiga UCID aad u haysaan halkan ka muujiyey, waxaanu runtii idinka doonaynaa in aad bud dhig u noqotaan halganka Xisbiga UCID doonaayo in uu taladda dalka ku qabsado waa in aad hormuud ka noqotaan”.