“Hawl kasta oo la qabanayaa waxay u baahantahay in marka hore la qorsheeyo, lana fuliyo hawsha, dabadeedna la qiimeeyo Sidaas Darteed….”- Agaasimahaha Madaxtooyada Oo Agaasime Cusub U Magacaabay Waaxdan
Hargeysa (Hubaal) – Agaasimaha Madaxtooyadda somaliland Maxamed Cali Bille ayaa shalay soo saaray wareegto xafiiskiisa kasoo baxday oo uu ku magacaabay masuul cusub. Wareegtada agaasimaha madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey magacaabista agaasimaha Waaxda Qorshaynta Iyo Qiimaynta kaasi oo uu u magacaabay Abdishakuur Aideed Nuur, waxaana wareegtadaas lagu yidhi “Ujeeddo: Magacaabista Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Qiimaynta
Mudane Laga bilaabo taariikhda kor ku xusan, waxa an kuu magacaabay in ad noqoto Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Qiimaynta ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Hawl kasta oo la qabanayaa waxa ay u baahantahay in la qorsheeyo, la fuliyo hawsha dabadeedna la qiimeeyo. Waaxaha madaxtooyadu waxa ay leeyihiin qorshe hawleed sannadle ah oo ay wax kasta dejiso bilowga sannadka, ka bacdina ay fuliso. Waaxda an kuu xilsaaray Mas’uuliyadeedu waa in ay hubiso in waaxaha madaxtooyadu ay dejisteen qorshe-hawleedkii sannadka, hubiso in hawlihii la fuliyay, diyaarisana warbixino ku saabsan hawlaha hirgalay, kuwa hakaday, caqabadaha lala kulmay iyo fursadaha hawsha hore loogu marinayo.
Faahfaahinta mas’uuliyadda waxqabad ee Waaxda Qorshaynta iyo Qiimaynta waxa an kuugu soo gudbin doonaa qoraal kale.
Madaxtooyada Somaliland waa muraayaddii qaranka, taasi oo qasab ka dhigeysa in qof kasta oo xil ka qabta amma ka shaqeeyaa in uu ku sifoobo hufnaan, shaqo wanaag, karti, aqoon iyo daacadnimo. Arintaasina waa ta an maanta kuugu gartay in ad xilkaasi qaado. Xilka an kuu magacaabay ee agaasime waa xil maamul oo ay hoos yimaadaan shaqaale kale oo aqoon iyo xirfadba leh. Sidaa darteed, waxa kugu waajib ah in aad dhisto waaxdaasi iyo shaqaaleheedaba.Waxa an rajeynayaa in ad xilkaasi uuga soo bixi doontid sida uugu wanaagsan ee uugu waxtarka roon.
ALLA MAHAD LEH
Mohamed Ali Bile
Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL.