Waaxda Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Saaray Farriin Baaq Ah Oo Guddoomiye Cirro Soo Saaray+Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay

0
41

Waaxda Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Saaray Farriin Baaq Ah Oo Guddoomiye Cirro Soo Saaray+Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay

Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI Ayaa War Qoraal ah oo maanta ay soo saareen kaga hadlay Baaq uu Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi soo saaray, kaasi oo lagu sheegay in uu yahay Baaq Nabadeed.

Sida lagu sheegay Warkan oo kasoo baxay xafiiska waaxda warfaafinta ee Xisbiga WADDANI oo nuqul kamid ahi Wargeyska HUBAAL soo gaadhay waxaa lagu sheegay Baaq uu guddoomiyaha Xisbiga WADDANi ahna guddoomiyaha golaha wakiilladu u dirayo labada beellood ee walaallaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Higlo ee Hoos yimaada gobolka Buuhoodle kaasi oo xaallad cakiran oo dagaal ka dhex qaraxday. Warkaas oo dhamaystiranna waxaa lagu yidhi “Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magiciisa, kan xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo weliba kan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNANI wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee  dirirta colaadda ahi ku dhex martay deegaanka Higlo ee Buuhoodle in ay xaaladda cakiran ee dagaalka ah ku soo dabaalaan nabad iyo wada-noolaansho.

Waxaannu baaq u direynaa Xukuumadda Somaliland, Golaha Guurtida Somaliland, Madax-dhaqameedka, cuqaasha iyo 201-garadka guud ahaan reer Somaliland iyo gaar ahaan kuwa labada dhinacba inay colaaddan ka gurmadaan, isla markaana loo soo afjaro, lana soo celiyo wada-noolaanshaha iyo in sidii innoo dhaqanka ahayd xaaladda aynu ku soo dabbaalno wada-hadal iyo walaalnimo.

Ugu danbeyntii, xisbiga WADDANI wuxuu aad uga damqanayaa dadka walaalaha ah ee ku dhimanaya colaaddaas, wuxuuna mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee wada dega geegaannadaas inay colaaddaas demiyaan.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

cabdiraxmaan cirro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here