“Waayeel Hortiisaa Caanno Loogu Badhxaa Ee Komishanka Laba Arrimood Oo Aan Calool-nugayl Lahayn Baa Looga Baahan Yahay, Haddii’se Ay….”

0
26

“Waxaan Leeyahay Haddii Aanay Jirin Hebel Ku Xumee Wixii Lagu Tashadee Dadku Raalli Ka Yahay Waa la Qaban Karaa”

“ Cabdirashiid Cali Sharmaarke Ayaa La Weydiiyey Oo   La Yidhi Dagaal Baa Idinku Socda Ee Sideed U Codaynaysaan Wuxuu Yidhi Gacanna…”

“Abaaro Weligeed Bay Dhici Jireen Oo Anigu Waxaan Garanayaa Doorashadii Innoogu Horreysay Ee 1960-Kii  Waxaa La Qabtay 17-Kii February Oo Ahayd Xilli Jiilaal Ah, Waxaa Ku Xigtay Doorashadii  1964-Kii Oo Iyana ahayd Xilli Abaar”

cabdilaahi jawaan

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay si faahfaahan uga hadashay xaallada siyaasadeed ee waqtigan lagu jiro iyo xummada doorashada iyo diifta Abaartu sida ay u saamaysay u diyaar garawgii qabsoomida doorashooyinka. Aqalka Madaxtooyada ee Somaliland oo arrimaha ka hadlay ayaa komishanka doorashooyinka ugu baaqay in ay go’aan dhiirasho ah ka gaadhaan waqtiga doorashada, kaasi oo laba midkood noqda inay qaban karaan iyo inaanay qaban Karin, Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka oo arrimahan shalay jimcihii ka hadlay ayaa sharraxay sooyaalka taariikheed ee dalkan Somaliland ka soo maray xaalladaha abaaraha oo xilliyo doorasho la galayay ku soo beegmay, kuwaas oo uu sheegay in ay 1960-kii kamid ahayd oo doorashadii xilligaas la qabtay waqti waranwer ah. “Ummadda haddii ay doorashadu  ku xumaato  waa qof ay maskaxdii ka xumaatay oo kale”. Sidaas ayuu yidhi La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Somaliland  Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan) oo shalay magaallada Hargeysa xog-warran ku siiyey weriye Bedri Koosaar Maxamed oo Star TV ka tirsan, waxaanu intaa ku daray  “dal yar oo waxaynu nahay soo koraya, dhaqaalle xumo hayso oo abaaro hayaan, markaa uma baahnin maanta muran iyo inaynu dhexdeena wax isku tuurtuurno. Waxaan leeyahay guddida doorashadu go’aan ha gaadho, go’aanka ay gaadhaanna cidda ay khusayso oo uu madaxweynuhu kow ka yahay u gudbiya, madaxweynaha iyo labada gole ee guurtida iyo wakiillada  iyo xusbiyada oo ah kuwii loo shaqaynayay”.

Geesta kale Cabdillaahi Jawaan oo xubin ka ahaan jiray guddidii ugu horreysay ee doorashooyinka Somaliland ee qabtay saddexdii doorasho ee 2002, 2003 iyo 2005-kii oo  guddoomiye ku xigeen uu ka ahaa  waxaa uu farriin u diray guddida haatan gacanta ku haysa arrimaha doorashada ee komishanka loo yaqaanno “ waxaan maqlayay saddexda xisbi ha ka soo taliyaan, markaa anigu waxaaan leeyahay waar saddexda xisbi qaran ka daaya go’aanka iyagu ma laha’e waxaa go’aanka iska leh guddida doorashooyinka. Waxaa la yidhi waayeel hortiisaa caanno loogu badhxaa ee waa in guddida doorashooyinku yidhaahdaan waxaas [go’aan] baanu soo saarnay oo  sababtan iyo sababtan ayaanu  u cuskannay. Waxaa looga baahan yahay laba arrimood oo aan calool-nugayl lahayn midkood baa looga baahan yahay; inay yidhaahdaan doorashadii waanu qabanaynaa, oo sidaas iyo waqtigaas baanu ku qabanaynaa iyo inay yidhaahdaan qaban kari mayno oo waxaas iyo waxaas baa nah or taagan. Labadaas qoddobba waxaa leh komishanka doorashada, markaa waxaan leeyahay labadaas arrin ku dhiirrada midkood, haddii ay labac-labaci timaado ama lagu sii daayo rag iyagu tartamaya….. Anigu dhaliili maayo runtii oo waxaan arkayay rag uu nin waliba han leeyahay ah In uu dalka madaxweyne ka noqdo oo gujo isku tuurtuuraya, taasina waxaa ay la mid tahay adigoo immika yidhaahda laba tiim oo kubad wada ciyaaraya in ay natiijada iyagu gaadhaan, taasna kuma heshiinayaan”. “Komishanku haddii ay yidhaahdaan doorashada waanu qabanaynaa waxaa ay u gudbinayaan madaxweynaha, haddii ay qaban kari waayaanna isagay u gudbinayaan markaa waxaan leeyahay idinku hawshina qabsada”. Dhinaca kale waxaa uu la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinku ka hadlay abaaraha dalka ka jira “abaaro weligeed bay dhici jireen oo doorashadii innoogu horreysay ee 1960-kii uu dadkeenu galo, waxaa guddoomiye ka ahaa alla ha u naxariistee Jirde Xuseen, waxaa doorashadaas la qabtay 17-kii bishii February oo ahayd xilli jiilaal ah, anigu xilligaas  waan xusuustaa oo waan garanayaa. Doorashadaas waxaa ku xigtay tii 1964-kii taasna waxaa la qabtay xilli abaar ah oo ahayd bisha March. Doorashadii Cigaal reysal wasaaraha ku noqday waxaa socday dagaallo  uu dhaawaca iyo maydku daadsanaa oo waxa socday dagaalkii Itoobiya. Cabdirashiid Cali sharmaarke ayaa maalintaas la weydiiyey oo waxaa la yidhi dagaal baa idinku socda ee sided u codaynaysaan wuxuu yidhi gacanna dalkaanu ku difaacaynaa midna doorashaanu ku galaynaa. Markaa immika waxaan leeyahay haddii aanay jirin hebel ku xumee wixii lagu tashadee dadku raalli ka yahay wa ala qaban karaa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here