Xukuumadda Oo Aan Ka Faa’iidaysanin Rabitaanka Cali Khaliif, Wasiir Meeqaamkoodu Hooseeyana madasha u dirtay
Djibouti:(Hubaal)-Wejigii saddexaad ee wada-hadalladii u dhexeeyey xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo, ayaa qaab meeqaamkeedu hooseeyo uga furmay dalka Djibouti, waxana aan qayb ka ahayn madaxweyne Cali Khaliif, iyada oo ay xukuumadduna wafti hoose u dirtay.
Wada-hadalladan hore loogu ballansanaa 20-kii bishan March ee aynu ku jirno, ayuu dib udhac weyn oo xagga Somaliland ka yimi ku habsaday, waxana habsankaas loo nisbaynayaa inuu keenay niyad jabka hoos u dhigay meeqaamkii wada-hadallada, isla markaana uu Cali Khaliif ku go’aansaday inaanu doorkan qayb ka noqonin.
Wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda Md. Maxamed Mixille Boqorre, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraarbe, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale, ayaa dhinaca Somaliland wada-hadalkan uga qayb-galay, halka dhinaca Khaatumo-na ay xaadir ku yihiin xubno uu hoggaaminayo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo isagu ku magacaaban guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Khaatumo.
Cali Khaliif Galaydh oo lagu waday inuu hormood ka ahaado wada-hadalladan, ayaa isagu dhinaca dalka Imaaraadka ku sugan, waxana wararka kasoo baxayaa safarkiisu sheegayaan inuu dano maamulkiisa gaar u ah halkaas u tegay, kadib markii ay Somaliland madasha tegi weyday waqtigii ballantu ahayd ee 20-kii bishan March.
Isla toddobaadkan, ayaa la filayaa inay soo xidhmaan wejiga saddexaad ee wada-hadalladu, waxase hoosaysa rajada laga qabo in wax buurani soo baxaan, maadaama xubnihii taladu ka go’asay ee labada dhinacba goobta ka maqan yihiin.
Xiisihii iyo xamaasaddii wada-hadallada labada dhinac ayaa hoos udhacday, kadib markii ay xukuumaddu ku mashquushay mashruuca wareejinta madaarka Berbera, waxana xusid mudan inay jiraan mucaarad xoogaysanaya ee dhinaca Buuhoodle ah, kaas oo lagu diidan yahay wada-hadalka labada dhinac u bilaabmay.