Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) oo maalintii shalay kusoo guryo-noqday dalka, ayaa shaaciyey in isaga iyo waftigii uu hoggaaminayey ay kulamo gaar ah magaalada Addis Ababa kula yeesheen hoggaanka saree e maamulka Khaatumo.
Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa hoosta ka xarriiqay in wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo maamulka Khaatumo ay si rasmi ah magaalada Addis Ababa uga furmi doonaan badhtamaha bishan, waxana uu yidhi,“muddadii aanu ku sugnayn magaalada Addis Ababa waxanu la kulanay madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh, waxana aanu kulankaas ku heshiinay in lasii ambo qaado wada-hadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay, waxana aanu ku heshiinay in 17-ka bishan aynu ku jirno wada-hadalladaasi ka furmaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa. Arrimahaasna faahfaahin tooda waxa lagaga hadli warsaxaafadeed aanu qaban doono maalinta sabtida ah ee soo socota.”
Wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo, ayaa hore loogu waday inay ka furmaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, balse sababo aan la garanayn oo arrimo farsamo lagu sheegay dib ugu dhacay.
Sababta wada-hadallada loogu raray magaalada Addis Ababa, ayaa la aaminsan yahay inay salka ku hayso Dr Cali Ciise Cabdi oo ah maskaxda ka dambaysa maamulka Khaatumo oo deggen magaalada Addis, isla-markaana ku adkaystay in wada-hadalkaasi ka qabsoomaan magaalada uu deggen yahay ee Addis Ababa.