Muqdisho (Hubaal) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo 11-bilood ah u xidhan dawladda Soomaaliya, ahaana hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam ee la midoobay Al shabaab, ayaa sheegay in dadkii muslimiinta ahaa la isku diray, isla markaana laga jeediyey jihaadkii iyo cadowgii ay lahaayeen.
Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa sidaas ka sheegay madal lagaga hadlayey maalinta dhalinyaradda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in uu dalku ku jiro gumaysi, haseyeeshee wuxuu eedeyno usoo jeediyey ururkii Al shabaab ee uu ka tirsanaan jiray isagoo ku tilmaamay qaar qorigooddu ku soo jeeddo shacabka Soomaaliyeed.
Wadaadkan oo ku jira xabsi guri ayaa ka waramay dhibaatadda haysta shacabka Soomaaliyeed iyo sida aanay u maamuli Karin dadkoodii oo dad shisheeye ahi u maamulaan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed waa iyagoo diintoodii laga fogeeyay lana kala qaybiyay oo la rabay in cadawgii laga fujiyo, iyagii la isku soo celiyo ayay aheyd, intii yarayd oo SYL ay keentay waxay ahayd in hal ummad ay noqoto lana fahamsiiyo diintooda iyo dantooda, waxaad mooddaa in dagaalkii cadowga lala dirirayay in shacabka lagu daray,”. “Waxaa dhacday in dadka oo dhan cadowga lagu daro, maantana aan jihaadkii la maqashiin karin, islaamiyiinta la maqashiin karin, cadowgiina ay gacal moodayaan, runtii ceebtaas weyn ayaa timid, waa ceeb weyn oo Shabaabka ay sameeyeen, wax la qarin karo ma ahan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hoggaamiyihii Xisbul Islaam ayaa sidoo kale sheegay in wali Somalia ay gacanta ugu jirto cadow, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada Itoobiya oo uu xusay in dalka maamulo qabiilo ah ay u kala qeybisay, isla markaana maamul walba uu iyada u tagayo, lana soo shirayo.”Soomaaliya weli cadow baa heysta, Itoobiya ayaa haysata, kuwo iyaga la mid ah ayaa haysta, sidaa daraaadeed dad la haysto ayaan nahay, gumeysigii waa soo noqday isagoo kii ka xun, ka badan oo waliba si caalami u shaqeynaya, waagii hore cadowgu dowlad ahaan ayuu u duuli jiray oo meel walba u qabsan jiray, laakiinse hadda kuligood inta isu tageen ayay kuwii qabaanada u ahaa gacanta noo geliyeen, hadda waxaa nagu soo socota 01-da july oo gobonimada dalka loo dabaal-degi doono dalkiinna waa la haystaa, maxaa loo dabaal-degaa gobonimo,”.
Hoggaamiyahan ayaa u muuqda mid uusan weli mowqifkiisu isbedelin, isagoo tan iyo bishii Juun ee sannadkii hore gacanta ugu jiray dowladda Soomaaliya, kaddib markii uu kasoo baxsaday degmada Baraawe oo ay ka dhaceen dagaallo isaga iyo xubno ay isku fikir yihiin iyo saraakiisha Al-shabaab dhexmaray.