WADDANI Oo Qorsheeyey Mudaharaad Uu Dhex marinayo Xuska Maalinta Dhallinyarada

0
28

xisbiga Waddani

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shalay ilaa xalay gudaha magaalada Hargeysa ka waday dhaqdhaqaaqyo hoose oo uu ku abaabulayo mudaharaaddo amniga ka dhan ah, kuwaas oo uu qorsheeyey inuu dhexmarsado maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February oo maanta ku beegan.

Dhaqdhaqaaqyada uu xisbigu wado ayaa laga dareemayaa goobaha la iskugu yimaaddo iyo meelaha ay ku badan yihiin dadka afkaartiisa aaminsani, waxana qorshaha mudaharaadka lug weyn ku leh oo abaabulaya sida aanu wararka ku hayno wasiirkii hore ee madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyada oo la diyaariyey qoraallo iyo halku-dhegyo mucaarad huwan oo loogu soo gabbanayo maalintan isu baxa iyo fooladaynta loo ballansan yahay.

Mudaharaadka uu WADDANI abaabulayo oo ay horboodayaan kooxo dhallinyaro ahi, ayaa dadka looga dhigay mid lagaga soo horjeedo saldhigga militeri ee Berbera laga bixiyey, waxana farrrimaha hoose ee la isu dirayey lagu muujiyey in si weyn loosoo xoojiyo isu soo baxaas dhallinyarada, isla markaana madasha dhexdeeda lagula soo baxo qoraallada iyo halku-dhegyada ay gaarka usoo samaysteen oo intooda badani qarsoodi yihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa arrintan il gaar ah ku eegaya, waxana si dhaw loola socdaa dhaqdhaaqyada shakhsiyaadka loo tirinayo inay arrimahan abaabulayaan, iyada oo qorshe lagu sugayo ammaanka madasha xuska dhallinyarada lagu qabanayona la diyaariyey.

Xisbiga WADDANI, ayaa ku guuldarraystay tiro isu soo baxyo ah oo uu hore ugu baaqay, waxase munaasibadda dhallinyarada oo lagu wado in si weyn loosoo camiro uu u arkaa mid uu danihiisa gaarka ah dhexmarsan karo, isla-markaana uu dhallinyaro afkaartiisa aaminsan u abaabulay inay halkaas ka muujiyaan qorshaha ay xubnaha xisbigu nashaqadeeyeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here