Fursadaha Waxbarasho Ee Ay Itoobiya ugu Deeqdo Somaliland+Is-dhexgalka Ganacsiga Labada Wadan+Garabka Ay Xukuumadda Addis Ababi Dhigeeda Hargeysa Ka Siinayso La Dagaalanka Argagaxisada
Hailemariam Desalegn Wuxuu Ku Dooday In Horumarka Dalalka Jaarku [Oo Somaliland Ku Jirto] Ay Ula Mid Yihiin Horumarka Waddankiisa Oo Kale
Hargeysa (Hubaal):-Wakaallada wararka Itoobiya, ayaa sheegtay in Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn uu madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, kala hadlay qodobbo ay ka mid yihiin in la sii xoojiyo iskaashigooda arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo is dhex-galka ganacsiga ee labada waddan. Warbixintan oo ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee dawladda federaalka ah ee Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA [Ethiopian News Agency], waxa afsoomaali u turjumay weriye Cumar Maxamed Faarax, waxaanay u dhignayd sidan. “Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn oo Salaasadii xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxay labada hoggaamiye isku afgarteen inay si wadajir ah u horumariyaan arrimaha dekedaha, si loo adkeeyo is-dhexgalka dhaqaale ee labada dal. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu caddeeyay inay kor u qaadayaan iskaashiga dhaqaalaha ee ay dawladda Itoobiya la wadaagto Somaliland, waxaanu iftiimiyey inay isticmaalayaan marsadda Berbera. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalkiisu uu horumarin doono jidadka si ay ugu fududaato isticaalka dekedda Bebera. Hailemariam Desalegn wuxuu ku dooday in horumarka dalalka jaarku ay ula mid yihiin horumarka waddankiisa oo kale, waxaanu xusay inay sii wadayaan deeqaha iyo fursadaha waxbarasho ee ay siiyaan Somaliland. Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inay Somaliland ka taageerayaan la dagaalanka argixisada.
Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa sheegay inay Somaliland sare u sii qaadayso xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya oo uu bayaamiyey inay dhidibada u adkaynayaan cilaaqaadkooda saaxiibtinimo gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxbarashada.”
Madaxweyne Muuse Biixi waxa booqashadiisa Itoobiya oo uu galabnimadii khamiistii ka soo laabtay ku wehelinayay, Wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka waxbarashada iyo sayniska, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),Wasiirka Arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire oo weftiga kaga biiray Itoobiya iyo Taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.