Paris (Hubaal): wakiilka dawladda Somaliland u fadhiya wadanka Faransiiska Amb. Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ugu baaqay axsaabta siyaasadda Somaliland in ay ilaaliyaan dimoqraadiyadda iyo nabadgeliyadda, maadaama oo ay inagu soo fool leedahay doorashadii madaxtooyadda, isagoo ka rejeeyay xisbiyadda ku tartamaya doorashadda in ay dhawraan hanaankii dimoqraadiga ahaa ee ay Somaliland ku soo Caano-maashay. Ambassador Cali Ismaaciil Xasan, waxa uu sidaas ka sheegay kadib kulan uu magaaladda oshe ee dalka Faransiiska kula yeeshay jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladaasi ku dhaqan. “Waxaan halkan ka dirayaa laba baaq oo guubaabo ah. Mid waxaan u dirayaa xisbiyadda siyaasadda heer qaranka ee Somaliland, maadaama oo ay inagu soo fool leedahay doorashadii madaxtooyadda waxaan ka rejaynayaa in ay dhawraan nabadgeliyadda iyo dimoqraadiyadii aan ku soo Caano-maalnay”. Safiirka ayaa mudooyinkan waxa uu socdaal la xidhiidha qaadhaan ururintii uu madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay bishii May ee ka soo kabashadda abaaraha ku maryay magaalooyinka dalka Faransiiska ee ay ku nool yihiin jaaliyadda Somaliland. Waxaanu jaaliyadda magaaladda Oshe u gudbiyay qaybta kaga soo hagaagtay qaadhaan ururintaasi, isagoo hore u soo maray magaalooyinka dalkaasi ee ay ku dhaqan yihiin jaaliyadda reer Somaliland. Geesta kale xubno ka mid ah masuuliyiinta jaaliyadda magaaladda Oshe ayaa safiirka u balan qaaday in ay isla qaateen in ay lacagta qaadhaanka ah soo bixinayaan horaanta bisha December ee sanadkan, isla markaana ay iyagu arrintaasi hore ugasii tabaabulshaysteen.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Wakiilka Somaliland U Fadhiya Faransiiska Oo Farriin U Diray Jileyaasha Ay Xumadda...