Walaac Isa Soo Taraya Oo Laga Qabo In Dagaalka Maalin Afraadii Ka Qarxay Koonfurta Gobolka Sool Uu Deegaamo kale Ku Fido

0
18

Samo-taliska iyo Hogaan dhaqameedka labada Beelood oo loogu baaqay inay  u istaagaan xal u helida shaqaaqadan soo noqnoqotay.

 

Dhumay (Hubaal) – Waxa isa soo taraya Baaqyada nabaddeed ee loo dirayo Beello walaalo ah oo uu dagaal ehli ahi ku dhex marayo maalintii saddexaad  Deegaamo ku teedsan Koonfurta Gobolka Sool.

Dagaalkan oo bilaabmay Khamiistii la soo dhaafay, sababayna Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac, ayaa sida lagu soo waramayo ku fiday deegaamo badan oo ay labada beelood wada deegaan.

Xubno isugu jira, culimo awdiin, Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Gobolkaas iyo deegaamo kale, oo si goonigooni ah Warbaahinta ugula hadlay Magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood, ayaa ugu baaqay labada Ardaa ee Colaadu u dhaxayso inay deg deg xabbada u joojiyaan, xal iyo Waan-waan nabadeedna ku soo dabaalaan xiisada u dhaxaysa.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Maxamuud Cigaal (Jaamac Shabeel) iyo xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa walaac weyn ka muujiyey shaqaaqadan, waxaanay Xukuumadda Somaliland, Waxgaradka iyo hogaan-dhaqameedka Gobolka Sool ugu baaqeen in gurmad culus laga galo damin colaadaasi, iyagoo qabaa’ilka is-dilayana kula taliyey  in laga gudbay xilligii Xabad iyo Xinjir la qubo lagu wada xaajoon lahaa.

Geesta kale, Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil iyo Cuqaal kale oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa iyaguna dhankooda beyaankan u diray Beelaha Dirirtu dhex martay.

Dhanka kale, xubno kamida Culimo Awdiinka Magaalada Laascaanood, ayaa ugu baaqay Samo-taliska iyo Hogaan dhaqameedka labada Beelood inay u istaagaan joojinta Xabadda iyo xal u helida shaqaaqadan soo noqnoqotay.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa goor sii horaysay sheegay in Deegaanka Dagaalku ka dhacay loo diray Ciidamo Milateri iyo Boolis isugu jira, si ay u kala dhex galaan Maleeshiyaadka Dagaalku dhex maray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here