“Walawayn caqli xumaa!!!! [SAAX-dheer] Dhul-bahante Ayaa Laga War-wareegayay Uune, Ma Xukuumadda Muqdisho Ayaa Laga Ogolaan Karaa Inay Somaliland Ka dhex Dhistaan MAamul”- Cali-Gurey Oo Bogaadiyey Ciidammada Qaranka Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa Hambalyeeyey tallaabada Qaran ee Ciidammada Qaranka Somlailand kula wareegeen Saax-dheer.
Mujaahid Cali Guray gudomiye xigeenka Sadexaad ee xisbi Mucaaridka UCID ayaa ka dareen celiyay Dagaalka Ciidamada somaliland maanta kula wareegeen Deegaanka Saaxdheer oo ay ka dhici lahayd caleema saarka Madaxweynaha KHAATUMO Cali Khaliif Galaydh. Muj. Cali Guray waxa uu Arintani kaga hadlay Qoraal Kooban uu ku baahiyay Bogiisa Facebook.
“Saaka waxa la leeyahay Saax Dheer iyo wufuudii Muqdisho uga timi caleema saarka Cali Khaliif ba Ciidanka Qaranka ayaa kabaha la dul maray. Maxaa koofiyad iyo cimaamada dulaysa? Maxaa firxad yaacaya oo leh i bixiyow i bixi?. Walawayn caqli xumaa meesha Dhulbahantaa laga warwareegayaye ma xukuumadda Muqdisho ayaa la ogolaan karaa inay maamul goboleed Somaliya ah ka dhex dhistaan Somaliland?. In kasta oy ahayd inay digniino hore bixiso hadana anigu tan ku eedayn maayo xkumaddu maxay gacamaha uga laaban wayday ee isaga daawan wayday. In kasta oon ilaa hadda waxba kala cadayn hadana waan ka xmahay wixii dhimasho iyo dhaawac ah hadii ay jiraan. Wixii aan Somaliland ahayn ee halkaa yimidna waxan u arkaa inay faduul galeen iyaga oo uga jeeda ku xumee Somaliland, halka mar walba aan u arko khilaafka Somaliland iyo khaatumo na khilaaf Somaliland dhexdeeda ah oo u baahan in caqli lagu maareeyo een gacan ka hadal lagu deyin”.