“Wali Maan Maqal Wasiirradii Rayaale Iyo Wasiirradii Ina Cigaal Baa Shiraya! Anigu Garan Maayo Sababta Wasiirradii Siilaanyo & Kuwan Muuse Maanta U Shirayaan!!”

0
14

Wasiir Hore Oo Dhaliilay Qado-Sharaf Loo Sameeyey Golihii Xukuumaddii Siilaanyo

Hargeysa (Hubaal) Wasiir hore Maxamed Mixile Boqore ayaa su’aal galiyey hadhimo-sharafeed dhawaan magaalada Hargeysa loogu sameeyey qaar ka mid wasiirradii xukuumaddii madaxweyne Axmed Siilaanyo. Wasiirul dawlihii hore ee wasaarada arrimaha dibada xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo shalay u waramay warbaahinta madaxa-bannaan, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in laba dawladood dalku yeesho oo la isku garab yaaco wasiirradii xukuumaddii hore ee Siilaanyo iyo kuwa haatan ee Muuse Biixi, taas badalkeedana laga wanaagsan yahay.

“Waxan ahaa wasiiru-dawlihii arrimaha dibedda ee xukuumaddii Siilaanyo, berrigii dawladu xilalka nagala wareegtay shir baa naloogu qabtay hudheelkaa Jirde oo Baashe Cawil noogu qabtay. Waanu idin sagootinaynaa iyo waayahay uun bay ahayd oo maalintaa sagootin baaba la iigu sheegay, haddana dorraad baa shir kale la iigu yeedhay oo la I yidhi kaalay, anigu shirkaa maba fahminba. Dawladdii Daahir Rayaale waxay lahayd wasiirro, tii Ina Cigaalna waxay lahayd wasiirro, wasiirradii Ina Rayaala shiraya iyo Wasiirradii Ina Cigaal baa shiraya midna maan maqal, kuwa Siilaanyo ee shiraya ee marwalba la isbarayaayi maxay yihiin? Anigu arrinkaa siyaasad baan u fahaymay. Inkastoo markii dambe aan ka maqlaayay sanadkaa Madaxweyne Muuse haloo daayo guddoomiyaha, dee Muuse maba codsan, maba odhan oo maba baryo teginba oo ma odhan aniga ha la ii daayo, bannaankaabu soo dhigay oo waa lagu tartami buu yidhiye. Markaa arrinkaasi aniga arrin siyaasadeed buu ila ahaa arrin qaloocana wuu ila ahaa, waxan wasiirradayda leeyahay waar laba dawladood isku garab socon maynee, kuwii Muusoo halkan jooga iyo kuwii Siilaanyo halkan jooga isku garab socon maynee, joojiya ayaanu leenahay oo innaga daaya waa innagu ceebe.” Ayuu yidhi

Geesta kale, Wasiirul dawlihii hore ee wasaarada arimaha dibada xukuumaddii Axmed Siilaanyo maxamed Mixile Boqore ayaa ka hadlay amarka xukuumadu dalka kaga  joojisay Ugaaska guud ee beelaha samaroon oo khamiistii laga celiyay xuduudka Somaliland iyo itoobiya ee goroyo cawl. Waxaanu sheegay in ay ahayd in uu ugaaska madaxwaynaha soomaro si uu u helo ogolaanshaha

“Waxa imanaya ugaaskii Gadabuursi, hadduu imanayayna aniga aragtidaydu ma xuma oo dadkiisa wuu u iman karaa, laakiin Uguaasku waxay ahayd inuu madaxweynaha u yimaado oo Hargeysa ku soo horeeyo, inuu madaxweynaha la hadlo, inuu xataa hadduu reerkiisa wax tabayo yidhaa ‘madaxweyne reerkaygii tabashadaas baa iiga timide dee arrinkaa bal iiga waran’ ayay ahayd, laakiin salaadiinta hagaysana way yara majara habaabiyeen oo hoggaan fiican ma helin.” Ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here