Aniga oo ah aqoonyahan Reer Somaliland Illaahayna iga soo jeediyey Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ee hadal-haynta iyo casuumaduhu ku badan yihiin, ayaa waxa maqaalkaygan igu kelifay inaan qoro oo aan u caddeeyo Dadka ay ka dhab tahay Somaliland jecaylku ha sii kala saaree inta maanta u ah ubaxa soo kacaya ee maseerkeedu yahay Somaliland ee haddii wax dhacaan Illaahay innaguma keenee ku waxla waa dhallinta ee maaha inta manta tuunbadu igu jirto ama hayaraato ama ha badnaatee.
Markaan u soo noqdo ujeeddada maqaalkaygan, waxa dhacay oo waafaqsanayd taariikhda 18/11/2014, xaflad ay kaadhadhkeeda ahaayeen sida kuwa meherada iyo casuumadaha oo wadneyaal dusha sare kaga sawirnaayeen oo la yidhi Wasiirro Reerka kasoo jeeda oo kala ah Arrimaha Dibedda iyo Maaliyadda waa Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis M. Samaale, waxay ku sheeganayeen damaca ku jiray naftooda, waxba intaa ku sii dhaafi maayo.
Haddaba, Dadka halkaa marayey Reerkii oo dhan bay ahaayeen lama odhan karo oo looma kala hadhin, balse Hal-door waa ku jiray, inkastoo Dad Nin-jeclaysi iyo Nin-necaysi ka muuqdeen ay ku jireen, waanna ta halkaa dhigtay talada Reerka.
Ninkasta oo damac leh lama diidi karo, laakiinse xilligeeda ha sugo, markaa shirkaasi muu ahayn mid shir Ninna damaciisa ku sheegayey, Ninna damaciisa ku qarinayey, anigu halkaa waxaan u qaatay uun sheekadii Siyaad Barre ee markuu dalka haystay ee ka dhacday Gabiley oo ahayd; “Madaxweyne, Buule… Madaxweyne, Buule… Madaxweyne, Buule noo dalacsii.”
Markaa talada Reeru sidaa noqon mayso ee Shanta Wasiir ee xilka hayaa, Samsam mooyee, hadday ogaadeen inuu Reer ka dembeeyo oo Kursiga Reer leeyahay oo ay ku heleen sidaa ha u diyaar garoobaan in lala xisaabtamo, awal hore umay ogeyne waa Al-xamdu-illaah.
- Wasiir Samaale, kursigii Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee uu Reerka ugu fadhiyey halkuu geeyey, yaase la xisaabtamay?
- Wasiir Abiib, waa laba Mujaahid oo ah SNM ah iyo mid KULMIYE,
- Wasiir Qaasim, isagu waqti-daayac baa la magacaabay, cidna wax tari mayo, isagana mooyi.
- Wasiir Biixi waa Nin kaadhkiisu nadiif yahay, hadduu damac Madaxweyne ku jiro, anaa kula jecel halka u sarreysa dalka laga maamulo, laakiin waqtigeedii maaha maanta ee ha gaadho xilligeeda, iminka Wasaaraddan aad joogtaa waa halkii ictiraafka laga raadinayey ayaad fadhidaa ee taariikhda ha kuu gadho ee ictiraaf u doon dalka, waxaanan ku Illaahay-na ha kugu asturo, Madaxweynahana sharaf ha u ahaato intaasi.
Golaha Aqoonta iyo Waxgaradka iyo Talada Reerka sheeganaya inay dambaaba ee kolba meel ka hadlaya mid baan leeyahay, “Godobta aad Reerka u soo hoysaan annagaa dambarsanayna ee u tudha carruur, ma goblayn baad tihiin, miyeydaan ubad lahayn, taladii Reerka meel geyn weydeene dib baa la isugu soo noqon ee da’yarta iyo inta caqliga fayow ayaanu dib ugu celinaynaa Taladii iyo Caqligii Dirawallada, waayo kuwaas ayaa ka talo iyo jexeclo badnaa Reerka, halka tiinu col-u-joog ka tahay.”
Haddaan dib ugu noqdo Dirawallada talinayey waxa ka mid ahaa Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf (AUH) oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Guurtida oo Reerka taladiisa ugu illaalin jiray, sida gaadhiga looga dhowro xurfadda, daakiga, casradda, mooska iyo kadh-kadha oo waxa uu la doonan jiray halka rayska ah, illeyn laami may jirine, ta qarankana iyada hadalkeedaba daa.
Waar isu-duubnida Talow iyo halka danta Reerka, illeyn qoladii Qudhaanjada aan kala baydhin kama liidana’e ee danta Reerka iyo ta danta qaranka ha la horreysiiyo.