Guddoomiyaha UCID oo bilaabay dedaal lagu dhexdhexaadinayo xukuumadda iyo mucaaridka, ammaanna u jeediyey madaxweyne Siilaanyo oo uu kulanka la yeeshay
“Rag iyagu cabba biyo mooyo-saxo ah oo carruurtoodu u joogto dalalka dibadda inay nabadgelyo-darro ka sameeyaan Somaliland oo ay halgan awood-raadis ah ku dhex ciyaaraan wax dhaca maaha”
“Madaxweynuhu maaha nin doonaya muddo-kordhin, waxaannu doonayaa inuu si sharaf ah xilka uga tago, wixii uu sameeyeyna aan laga dhooqayn oo magaciisa la dilin”
“Wax mudaharaad ah oo UCID gelayaa ma jiro, weligeedna wax kumaynaan kala helin, kumaynaan kala bixin mudaharaad, balse waxaynnu ku kala baxnaa wadahadal iyo isu-tanaasul” Eng. Faysal Cali-waraabe
Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah, ayaa isla qaatay waqtiga la bilaabayo wadahadalka laga yeelanayo khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa caddeeyey in la isla qaatay in wadahadalku furmo 20-ka bishan May 2015 oo ah marka laga gudbo xuska sannad-guurada 24aad ee madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 18 May.
“Waxa lagu heshiiyey in dawladdu fidiso gogosha wadahadalka marka la gaadho 20 May 2015 insha Allaah oo laga wadahadlo arrimaha ina horyaal. Dawladdii hore ee Rayaale marka gogoshan oo kale la fidiyo waxay ku dari jirtay qaad iyo qado, qoladanna (xukuumadda Siilaanyo) waxaan leeyahay bal sharaab qudha keena, la idiinkama baran qaad iyo qado’e. laakiin waad ku mahadsan tihiin gogosha aad fidiseen, baaqa wadahadalka ee madaxweyne-ku-xigeenku soo saarayna waannu ayidsanahay, diyaarna waannu u nahay in aannu ka qaybgalno gogoshaas haddii aannu nahay UCID, dalkeenana yeynaan qas gelin, una baahan in gacan dibadeed ina dhexdhexaadiso ee waa in aynnu wixii khilaaf ah ee dhexdeena ah dhammaysanno, wax kastana laga horreysiiyo danta ummadda,” ayuu yidhi Eng. Faysal.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu isagu bilaabay dedaal la isugu soo dhaweynayo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ah, waxaannu yidhi; “Waxa aannu bilownay in aannu isaga dab-qaadyo xisbiyada mucaaridka iyo dawladda. Madaxweynaha waannu u tagnay, inkastoo ay ahayd in iyagu noo yeedhaan, haddana annaga ayaa khayrka qaadanay. Kulanka aannu la yeelannay si fiican ayuu noogu dhacay oo xubno ka tirsan xukuumaddiisu way la fadhiyeen, annaguna saddex xubnood ayaannu ahayn, si fiican ayaanan u hogo-tusaalaynay dhibaatooyinka innaga haysta dalka dibaddiisa, waxaanan tusay in aan laga bixi karayn dhibaatooyinkaas ina haysta haddii aynaan hagaajin gudaheenna.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in aannu Madaxweyne Siilaanyo diyaar u ahayn in muddo-kordhin loo sameeyo, “Madaxweynuhu si fiican ayuu noo dhegaystay, wax aannu isku diidnayna ma jirto. Go’aanka Guurtidu soo saartay maaha wax Ilaahay yidhi oo samada ka soo degay iyo aayad qur’aan ah, madaxweynuhuna maaha nin doonaya muddo-kordhin, waxaannu doonayaa inuu si sharaf ah xilka uga tago, wixii uu sameeyeyna aan laga dhooqayn oo magaciisa la dilin, waana ninkaas weyn ee mujaahidka siyaasiga ah ee Somaliland.”
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxa uu caddeeyey in aanay xisbi ahaan samayn doonin wax mudaharaad ah, cid kale oo samaysana aanay ka oggolaan doonin, waxaannu yidhi; “Qofka doonaya inuu ka lacagaysto Somaliland waxa aannu leenahay lagama lacagaysto Somaliland ee waxaannu kuu furi doonnaa bacadle, mana dhici karto in la yidhaa madax ayaan ka noqonayaa Somaliland oo xil ayaan qabanayaa, lacagna waan samaysanayaa. Ninka lacag doonayoow mehered ka furo bacadlayaasha suuqa, laakiin dalkan lagu ciyaari maayo, insha Allaah-na xal weynnu gaadhi doonnaa, nabadna waa lagu ciiddi doonaa, wax mudaharaad ah oo UCID gelayaana ma jiro, weligeedna wax kumaynaan kala helin, kumaynaan kala bixin mudaharaad, balse waxaynnu ku kala baxnaa wadahadal iyo isu-tanaasul.
Dhinaca kale, waxa uu iftiimiyey inay jiraan dhibaatooyin badan oo dalka gudihiisa ah oo horyaal Somaliland, “Dhibaatooyin badan ayaa ina horyaal oo gudaha dalka oo ah in aynu ka heshiino doorashooyinka hortood, waxaanna loo baahan yahay in waxaas oo dhan la xalliyo oo insha allaah inaga oo wax kasta xalinay aynu galno doorashooyinka, qofkii Ilaahay u qorayna uu guulaysto, Ilaahayna (SWT) ina siiyo hoggaan khayr qaba.”
“Islaanta wadhatada ah ee suuqa ku iibisa khudaarta ee aan la siin adeeggii ay xaqa u lahayd ee biyaha, laydhka, caafimaadka oo carruurteeda ka bixisa lacagta ay wax ku bartaan, lagaga ciyaari maayo nabadda ay haysato. Rag iyagu cabba biyo mooyo-saxo ah oo carruurtoodu u joogto dalalka dibadda inay nabadgelyo-darro ka sameeyaan Somaliland oo ay halgan awood-raadis ah ku dhex ciyaaraan wax dhaca maaha, annaguna danta qaranka ayaan horreysiinaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.
source:jamhuuriya