WAR-BIXIN: Warbaahinta Soomaalida Iyo Sanadkii Tegay

0
34

Hargeysa (Hubaal) – Warbaahinta Somaliland iyo Somalia, ayaa sannadka 2014-ka ee dhamaaday waxa lagu xasuusandoonaa, sannad rukumo waa weyn ka baxeen saxaafadda Soomaalida qaar bas u geeriyooday iyo qaar gacan ka xaq darani dishay ehelkii, bahda saxaafadda iyo bulshadana samir iyo Iimaan ha inaga wada siiyo dhamaanteen geeridu xaq weeye, godkuna lama huraan weeye Inaalilaah Waa Inaa Ilayhi Raajucuun waana sannad rukunadii saxaafadda qaar ka mid ah ay dumeen, gaar ahaan warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka Somaliland.

Wuxuu u ahaa sannad naxdin wayn u ah oo ay u xasuusan doonaan Bahda Warbaahinta ku hadasha afsoomaalida illahayna ha ka mid yeelo kuwa ka mid ahaada inta ku aroorta safka Rasuulka CSW.

Alle ha u naxariisto xoghayihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa salaasadii todobaadkan aynu ku jirno aas qaran loogu sameeyay Xabaalaha Xeedho ee magaalada Hargeysa, kadib shil baabuur oo kula dhacay duleedka magaalada Berbera.

Maxamed-rashiid wuxuu ahaa xoghayihii ugu adkaa ee laga leexin ka riwaayey difaaca iyo u hadalka xariyo-tuqawlka. Waxa uu ahaa nin furfuran oo isku wadka dadka iyo samafal badan oo dantiisa ka horaysiin jiray danaha dadka kale jeclaana inuu qof walba wax la qabto, isla markaana wuxuu sanadkan dhamaaday ka daba hooyday saaxiibo kaga sii horeeyay guriga l00 wada noqonaayo, saaxiibo badana ku macasalaameeyay.

Horaantii sannadkan dhamaaday ee 2014-ka waxa geeryooday suxufi marxuum Siciid Ismaaciil Guraase oo waqtigaasi Tifaftire ka ahaa Wargeyska Himilo, kana soo shaqeeyay wargeyso kale taasoo bahda warbaahinta geerida Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase ay u ahayd mid meesha ka saartay udub dhaxaad jirid weyn oo ka baxay warbaahinta dalka Somaliland.

Marxuum Siciid Guraase ahaa Nin afgaaban, wuxuuna had iyo jeer turjumi jiray waxyaabaha ku qoran af-carabiga iyo sheekooyin badan oo uu ku faafiyey Wargeysyada ka soo baxa dalka gudihiisa, wuxuuna ahaa nin samayn ku leh saxaafadda dhexdeeda.

Badhtamihii sannadkan, waxa xijaabtay marxuum, qoraa, hal abuur Eebe u siiyay curinta hibo alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Kastan.

Waxa iilka la dhigay 12-kii bisha June 2014-ka. Marxuum Kastan wuxuu ahaa khabiir waayo arag ah, kana mid ah aas-aasayaashii warbaahinta iyo qalinka madaxa-banaan, muddo dheerna ka soo shaqeeyay mihnada saxaafadda Somaliland. Wuxuu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah Wargeysyada iyo Telifeeshanada Soomaalida. Wuxuu ahaa Nin furfuran oo naxariis badan, isla markaana wuxuu qori jiray sheekooyin gagaban oo murti iyo maad isugu jiray. Waxa kale oo uu ka tegay buugag uu qoray oo dhaxal uu uga tegay shacabka reer Somaliland.

Marxuum Kastan geeridiisuna waxay ahayd mid siweyn looga naxay, gaar ahaan bahdii warbaahinta ee uu ifka ku macasalaameeyay. marxuunku wuxuu ka mid ahaa rug cadaagii saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka Somaliland, wuxuuna gacan qabtay dhalinyaro badan oo ka shaqaysa maanta warbaahinta dalka.

Isna sannadkan dhamaaday 7/August/2014-ka xijaabtay halyay kale oo ka mid ah ruug caddaagii warbaahinta Somaliland Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir. Alle naxariistii Janno ha ka waraabiyo wuxuu ahaa suxufi qoraa, macalin, curin iyo aqoon yahan iyo al-abuur alle ku manaystay oo ay ku faani jirtay saxaafadda dalka Somaliland.

Eebe naxariistii Jano ha ka waraabiyo Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir wuxuu ahaa macalin Iskuulada dhiga, suxufi, qoraa alle hibo u siiyey curinta, wuxuuna sida ukunta dilaaciyey jiilal badan oo ka mid ah wariyeyaasha ugu qoraalada wacan warbaahinta iyo macalimiin badan oo dhiga dugsiyada iyo qaar ka mid ah madaxda ha’yadda dalka. Wuxuu ahaa Nin furfuran oo dabeecad wacan oo qabaw, isla markaana jecel inuu qof walba caawiyo.

marxuumiintaGeeridiisu waxay ahayd laanbad ilays wayn oo ka bakhtiday indhihii ay warbaahinta Somaliland wax ku arkaysay. Sidoo kale siyaasiyiinta iyo aqoon yahanka dalka ayaa ku tilmaamay inuu ahaa shakhsiga kaliya ee barnaamijyo taxane ahaa ka diyaariyey halgankii dib-u-xoraynta dalka, xilligii uu ka shaqayn jiray Telifeeshankii Space-ka, wuxuuna ahaa suxufi qayb weyn ka soo qaatay horumarka warbaahinta madaxa-bannaan, kana soo shaqeeyay Jamhuuriya, Ogaal iyo qaybo kale oo badan, isla markaana waxa geerida marxuum Cabdiweli siweyn uga naxay warbaahinta adduunka oo dhan, waxaanay u ahayd maalin tiiraanyo badan, waxaanuu sannadkan 2014-ka sidaas ku macasalaameeyay jilal badan oo ku tiirsanaa aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa. Alle ha u naxariisto Cabdiweli, wuxuuna ka tegay buugag qoran oo dhawaan la daabici doono.

Dhinaca kale, Wariyeyaasha koonfurta Soomaaliya ka hawl gala ee magaalada Baydhaba ayaa 5/December 2014-ka lagu dilay Qarax ka dhacay magaaladaas oo lala beegsaday suxufiyiinta oo kala ahaa Cabdiqaadir axmed Mayow oo ka shaqayn jiray Telifeeshanka Somali Channel, Maxamed Isaaq Bare oo ka tirsanaa Tv-ga Kalsan, halka Cabdilqaadir Jookar iyo Maxamed Aadan dhaawac ka soo gaadhay qaraxaas.

Sidoo kale, Laba Wariye oo ka tirsan shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya ayaa sanadkan gudihiisa lagu dilay magaalada Muqdisho, halka Cabdirisaaq Black oo ah Agaasimaha Somali Chanel ee xafiiska Muqdisho, isna lagu dhaawaca, isla markaana falkaas foosha xumaa ee lagula kacay wariyaasha Soomaaliya waxa cambaareeyay ururada u dooda xoriyatul-qawlka iyo beesha caalamka.

Geesta Kale, 18 November 2014-ka alle ha u Naxariitee waxa magaalada Galkacayo koox hubaysan xilli habeenimo ah dil toogasho ah ku dileen Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver)’ isla markaana waxa kale oo wariyahaas ka horeeyay Saddex suxufi oo lagu dilay magaalada Gaalkacayo oo ka tirsnaashaqaalaha Radio Daljir, isla markaana Ururka warbaahinta maamul- gobolka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka codsadey dowlada Puntland iney gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii dilka u gaystay Wariyeyashaas.

Dhamaan Suxufiyiinta ruug caddaaaga ahayd ee ka geeriyooday warbaahinta iyo shacabka Somaliland iyo Somalida kaleba Illahay ha u wada naxariisto, fataaxadana ha loo wada maro.

Warbixin -Cabdifataax Ismail Caarshe

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here