“Dadkani Waxay ka Biyo Diideen ka dib markii lagu war geliyay in halka ay deganyihiin la siinayo Shirkada Dahabshiil, iyagana loo Rarayo Sariibada Xaafadda Biibsiga oo Hore Dahabshiil Dowlada uga iibsaday”
Hargeysa(Hubaal) Dadweyne Gadoodsan ayaa sida la sheegay shalay duhurnimadii weeraray, isla markaana jajabiyay dhinaca dambe ee Fooqa Dahabshiil ku leeyahay Xaafadda Liinka Booliska ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo sida la sheegay uu ku dhaawacmay inan dhallinyaro ah oo lugta ka jabay, laguna xidhxidhay dad tiradoodu gaadhayso shan iyo toban qof oo iskugu jira dumar iyo caruur.
Gadoodkan ay gadoodeen dadka danyarta ah ee degan Fooqa Dahabshiil debadiisa, isla markaana dhammaantood ah Xaasas ay qabaan Askar ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ka dhashay, kadib ka dib markii lagu wer-geliyay inay ka guurayaan meelaha ay deganyihiin oo sida la sheegay laga iibiyay mulkiilaha Shirkada Dahabshiil Mr. Maxamed Siciid.
Dadweynahan dan yarta ah ayaa sida la sheegay gadoodkoodu ka kacay, kadib, markii ay shalay Hoggaanka guud ee Boolisku, ku wargeliyeen in laga rarayo goobtan ay deganyihiin oo la siinayo Shirkada Dahabshiil, halka iyagana loo rarayo Sariibada Xaafadda Biibsiga ee magaalada Hargeysa, taas oo uu hore u iibsaday Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil.
Dadkan danyarta ah, oo hore xan ugu hayay in meelaha ay deganyihiin laga iibiyay Shirkada Dahabshiil, si ay Baarkin Gawaadhida la dhigto uga dhigato Shirkadaasi, taas oo ay xanta ku yaheen in ay iibiyeen Hoggaanka Boolisku, ayaa sida la sheegay ka biyo diiday arrintaas ay u soo jeediyeen Hoggaanka Guud ee Boolisku, kadibna ku gadooday dhismaha Fooqa ah ee Dahabshiil ee ladoonayo in looga raro dadkaa danyarta ah, halkaas oo ay shiid iyo buuq ku abuureen Fooqaasi uu laga leeyahay Shirkadda Dahabshiil, halkaas oo khasaare aan sidaa u badnayni ka soo gaadhay Fooqaasi.
Dadkan danyarta ay ayaa sida la sheegay uu wax khasaare ahi ka soo gaadhay wiil dhallinyaro ah oo ka jabay lug, halka dad tiradoodu gaadhayso shan iyo toban qof oo iskugu jira dumar iyo dhallinyarana xabsiga loo taxaabay oo ilaa hadda ay xidhan yihiin.
Arrintan, ayaan ilaa hadda aanay ka hadal ama aanay ka war bixin Maamulka guud ee Shirkada Dahabshiil, isla markaana aanay ka haddal Hoggaanka Guud ee Ciidanka Boolisku, ujeedada dadkaasi ka gadoodeen iyo wixii ka dhacay meeshaasi shalay duhurnimadii.
Si kastaba ha ahaatee, waxa hore Dowladda Hoose ee Magaalada Hargeysi ugu Qorsheysay Xaafadda Liinka Booliska oo ku fadhida dhul badkiisu aad u ballaadhan yahay in looga faaíideeyo magaalada, lagana dhigo istaanadda Gaadiidka u kala goosha magaaladda Hargeysa iyo nawaaxigeeda oo cidhiidhi badan ku haya Caasimadda Hargeysa Baryahan dambe.