War Deg-Deg ah, La yaab!!!!:- Khilaaf Xooggan oo ka Dhashay Lamaane Is Qaba Iyo Laba Nin oo Kale oo Maanta Dowladdu u Gudbin Lahayd Dawlada Jabuuti iyo Xukuumadda Somaliland oo Bilawday ka Ganacsiga Muwaadiniinteeda

0
31

War Deg-Deg ah, La yaab!!!!:- Khilaaf Xooggan oo ka Dhashay Lamaane Is Qaba Iyo Laba Nin oo Kale oo Maanta Dowladdu u Gudbin Lahayd Dawlada Jabuuti iyo Xukuumadda Somaliland oo Bilawday ka Ganacsiga Muwaadiniinteeda
[Afar Xubnood oo ka tirsan Sirdoonka Dalka Jabuuti oo Ku Sugan Magaalada hargeysa oo habeenadii ugu dambeeyay haw-galo ka wada Gudaha Magaalada Hargeysa]

[Wasaaradda Arriha Gudaha iyo Taliyaha ciidnka Booliska oo Saddex Muwaadin oo hore u Gudbiayay Dawladda Jabuuti, oo Lagu soo Waramayo in mid ka mid ah muwaadiniintaasi u geeryooday Toojarkii iyo Jidh-dilkii lagu sameeyay imikana muwaadiniin kale kusii Wada]

[Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo dhawaan ka hadlay saxaafadda ayaa isna sheegay inaanay waxba ka ogayn Hayádda Xeer-ilaalinta iyo Hayáddaha Garsoorka Somaliland midkoodna dadkaas muwaadiniinta ah ee loo gudbiyay Dalka Jabuuti, isla markaana ku tilmaamay khalad iyo gef ay ku kaceen Hayáddaha amnigu]

Hargeysa(Hubaal)- Sir-Doonka Dalka Jabuuti oo kaashanaya Ciidamada RRu-da ee Somaliland ayaa xalay abaaro Tobankii Habeenimo Gurigooda kala baxay lamaane is qaba oo degam Xaafadda Jig-jiga yare ee magaalada Hargeysa.

 

aaaaaaaaaaaaa
Lammaanahan Xaaska ah ee is Qaba oo magacyadooda la kala yidhaahdo Cabdilaahi Caawiye iyo Nuura Aw-yuusuf Odowaa, ayaa Qafaalashadooda ay ka dambeeyaan xubno ka mid ah Sirdoonka Dalka Jabuuti oo ku sugan Magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inay daba joogaan isla markaana daydayayaan cidii ka dambaysay Qaraxii dhawaan lala beegsaday Dalka Jabuuti, oo horena Dawlada Somaliland ugu gudbisay Sadex Muwaadin oo reer Somaliland ah oo iyana hore looga qabtay Magaalada Hargeysa.
Waxa lake oo Habeenkii Isniintu Soo Galaysay Laga Fuliyay Hawl-gal labaad Agagaarka Jaamac Gunti ee Xaafadda Xero-Awr, Hawlgalkaas oo lagula baxay sida la sheegay laba nin oo ay ehel yihiin inan hore loogu Gudbiyay Dalka Jabuuti oo ka shaqaynayay Xawaaladda Juba, Gaar ahaan Xafiiskeeda Hargeysa.
Hawl-galadan Sirdoonka Dalka Jabuuti kula Baxayaan Muwaadiniinta reer Somaliand oo bilaabmay habeenkii isniintii iyo Salaasadii ee Wiigan aynu ku jirno ayaa ka dambeeyay imaatinkii ay dalka kusoo laabteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Taliye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, kuwaas oo safarkooda imaatinka ay ku wehelinayeen laba xubnood oo ka tirsan Sirdoonka Dalka Jabuuti, halka Laba xubnood oo kalena Hore u sii Joogeen Dalka.
Hawl-galkan Xunbaha Sirdoonka Jabuuti iyo Ciidamada RRU-da Somaliland ay ku fuliyay lamaanaha is qaba, oo talagalkiisu ahaa in maanta oo Salaasa ah loo gudbiyo Dalka Jabuuti ayaa Dhaliyay Khilaaf Xoogan oo ka dhex dhashay ama ka dhex aloosmay Ehelada lamaanaha Is Qaba, kadib markii Ehelada Qoyskani ay ogaadeen in dadkooda ay Hayádaha Amniga Somalialnd ee ay ka midka yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Taliska Sirdoonka Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland u gudbinayaan Dalka Jabuuti, halkaas oo Odoyaasha, Waxgaradka iyo dhallinyarada Ehelada Lamaanahani ay ka biyo diideen sida ay wax u wado Xukuumadda Somaliland, ee Muwaadiniinteeda ay ugu gudbinayso dal kale, taasina ay sababtay in ay is weydaarsadaan ehelada qoyskan lamaanaha ah, iyo madaxda hayáddaha Amaanka Somaliland hadalo hanjabaad ah, kadib markii Odoyaasha Ehelada Qoyskani ku dhaarteen inaan dadkooda loo gudbin karin dal kale, haddii laysku dayana dad nool-nooli u dhiman doonaan.
Waxa sidoo kale iyana hore uga hadlay uguna hanjabay Xukuumadda Somaliland Beesha Madigaan oo ka mid ah beelaha degan Somaliland oo nin ka soo jeeda beeshooda loo gudbiyay dowladda Jabuuti laba wiig ka hor.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo dhawaan ka hadlay saxaafadda ayaa isna sheegay inaanay waxba ka ogayn Hayádda Xeer-ilaalinta iyo Hayáddaha Garsoorka Somaliland midkoodna dadkaas muwaadiniinta ah ee loo gudbiyay Dalka Jabuuti, isla markaana ku tilmaamay khalad iyo gef ay ku kaceen Hayáddaha amnigu.
Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Hayádaheeda Amniga ayaa baryahan dambe bilaabay ka ganacsiga Muwaadineenteeda oo xubno dhawr ah ku wareejisay Dowladda Jabuuti, Taas oo Dastuurka Dalkan Somaliland dammaanad qaaday isla markaana Xaaraantinimaynayo in cid kasta oo ah muwaadin u dhashay dalka Somaliland haddii uu dambi galo iyo haddii kaleba aan loo dhiibi karin Dal kale ama Dawlad kale, balse lagu baadhayo ama lagu maxkamadaynayo Gudaha Dalka.
Waxa marba marka ka damyasa Hayáddaha Amniga Somaliland kusoo badanaya Dabaca kaga imanaya dhinaca maamulka iyo ka hortaga hawlaha ku lidiga ah amaanka geeska Afrika, taasina la odhan karo waxa sababay dadka wakhtigan ka madaxda ah oo aan lahayn Aqoontii iyo khibradii ay u baahnaayeen Hayádahani, maadaama ay yihiin Hayáddaha ugu xasaasisan ee ka shaqeeya amaanka iyo deganaanshaha Qaran leeyahay, isla markaana la wadaago wadamo kale oo farobadan.
Haddaba Xukuumadda Somaliland ayaa looga fadhiyaa sidii ay dib ugu eegi lahayd uguna fiirsan lahayd Hayádaheeda Amaanka iyo Wardoonka, isla markaana ugu dhiibi lahayd cid aqoontooda leh xilkaa garankana gudan karta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here