Hargeysa (Hubaal) madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii ka bedelay Maareeyihii telefiishenka qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas,isla markaana u magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha warbaahinta,waxaana uu madaxweynuhu xilka maareeyaha telefiishenka qaranka u magacaabay Cabdi Cali Mahdi,digreeto uu ku sexeexan yahay afhayeenka aqalka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo nuqul ka mid ahi nasoo gaadhay ayaa u dhignayd sidan:
Taariikhda: – 30/04/2015
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Bedelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL