WAR DEG-DEG AH: Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Is Toogtay

0
103

Hargeysa (Hubaal) Mid kamida ilaalada xarunta sirdoonka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu soo waramayaa in uu caawa fiidkii isku dhex toogtay xarunta gobolka oo ku taala Turba taariyada Agteeda Amaba Galbeedka Guriga Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland.news

Wararka ayaa sidoo kale tibaaxay in ninkan marxuumka ahi Oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Saaqid oo ahaa nin dhalinyaro ah uu caawa u lahaa Shaqada gaadhka xafiiska isagoo sida ay ilahani tibaaxeen isku dhuftay qorigiisa.

xogaha ayaa intaa ku daray in markii ay soo gaadhay madaxdii xafiisku isla markiiba loola cararay cisbitaalka wayn ee Hargaysa si loogu baadho xaaladihiisa, balse ay naftu ka baxday intii aan lala gaadhin cusbitaalka.

waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in dhamaanba la xidhay xubnihii ay shaqada wada lahaayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here