War Deg-deg Ah: Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
89

Hargeysa(Hubaal)-Agaasimihii Hore ee Bulsho Tv  Wariye  Maxamed Jiciir Aw Axmed oo kamida Suxufiyiinta Somaliland ee rug-cadaaga ah ee reer Somaliland ayaa goor dhawayd Ciidamada Booliska ee Madaarka  Hargeysa  Xabsiga U Taxaabeen  iyagoo isla markaana u geystay jidh dil iyo hadidaad baahsana ugeystay Saxafigan  Xabsiga loo taxaabay oo hada ka hawl-gala Idaacada Radio Hormuud ee dalka Denmark ayaa goor isaga oo ku guda jira Hawl-maalmeedkiisa shaqo waxa dhawayd  xidhay Ciidanka Booliska ee Madaarka Caasimada Hargeysa  iyagoo isla markaasina aan ku hayn faldanbiyeed sharciya  oo uu sameeyey.

Hadaba   Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed Oo intii aan lagu xarayn qolka lagu xidhay  khadka teleefanka kula soo xidhiidhay  Wariye Miyir Cali Xuseen ayaa waxa  hadalkiisii ka mid ahayd “ Waxa hada si sharci daro ah ii qabsaday Ciidanka Booliska ee Saldhiga Madaarka Caasimada Hargeysa  waxa ay iisii wadaan dhanka iyo qolka ay igu xidhayaan ,waxa ay ii geysteen jidh dil iyo hadidaad baahsan iyagoo isla markaana qalabkii aan sitay burburiyey ma jirto wax sababa oo ay ii sheegeen inay igu haystaa”

 wariye maxamed jiciir

Iskusoo wada duuboo  Xukuumadan talada haysa ayaa gabi ahaanteedba waxa ay ku caanbaxday xadhiga iyo afduubka saxaafada madaxabanaan  iyadoo aan habkii iyo hanaankii sharciga ahaa usoo marin

Miyir  Cali Xuseen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here