Nairobi(Hubaal) Taliyahii Ciidamada Police-ka Dalka Kenya David Kimaiyo ayaa Sheegay in uu Shaqada iskaga tagay, kadib markii Dhaleecayn loo soo jeediyay Shaqada Ciidmada Amaanka Kenya,laguna eedeeyay in aanay waxba ka qaban dilalka dad badan oo muddo kooban gudaheed Dablay hubaysani ku dhishay dalkaasi.
Todobaadyadii lasoo dhaafay Gobolka Soomaalidu dagto ee waqooyi bari dalkaasi waxaa ka dhacayay , weeraro ururka Al-shabaab ka Fuliyeen Gudaha Dalkaasi, weeraradaasi oo lagu dilay in ka badan 60 qof, oo ay ku jiraan 37 qof oo xalay oo kaliya lagu dilay magaalooyinka Wajeer iyo Madheera.