Hargeysa (Hubaal) Wadahadalkii u dhexeeyay mucaaridka iyo xukuumadda Somaliland oo beryahanba si hawl qaran u socday ayaa goor dhaweyd lagu kala kacay.
Natiijada wadahadalkan oo la filayay in goor dhaw uu ku dhawaaqo madaxweyne ku-xigeenku isla markaana saxaafaddu ay heegan ku ahayd guriga madaxweyne ku-xigeenka ayaa sida wariyaha HUBAAL u jooga halkaasi uu soo tabinayo uu wadahadalkaas gebi ahaanba bur-buray, kadib markii xubnihii xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uga qayb galaayay ay dibada uga soo baxeen shirkaasi,isla markaana ay warbaahinta u sheegeen inay isku afgaran waayeen xal siyaasi ah oo la gaadho,sidaa dareedna ay cid kasta oo gurmad u noqota badbaadinta wadahadalkan ay soo dhexgalaan.
Dhinaca kalena hogaanka xisbiga Klmiye oo mardambe ay warbaahintu wax ka waydiisay dayrada mucaaridku ka bixyeen natiijadii wadahadalka ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay. Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo beeninaya dhawaaqa xisbiga Waddani ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu iska soo baxay, UCID iyo Kumiye-na ay madasha fadhiyaan, isla markaasna uu shirku leeyahay shir guddoon, sidaa daraadeedna uu weli wadahadalku socdo, hase yeeshee ay dhinaca WADDANI iska soo baxeen.
Wixii warar intaa dheer ee soo kordha halkan kala soco