Muhaajiriin Ay Tiradoodu Ka Badan Tahay 240 tahriibe Ayaa La Rumaysan Yahay In Ay Ku Dhinteen Meel Ka Baxsan Xeebaha Libiya
Lampedusa (Hubaal-BBC) – In ka badan 239 muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen laba doonyood oo ku degay meel ka baxsan xeebaha Liibiya, sida ay sheegeen saraakiil muhaajiriinta ku howlan. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa waxaa warkan u sheegay laba qof oo ka badbaaday doonyahaasi, isla markaana gaadhay jasiirradda Talyaaniga ku taalla ee Lampedusa. Ilaa iyo hadda ma jiraan meydad laga helay doonyahaasi, hase yeeshee laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa xalay boggeeda Internetka ku daabacday warbixintan oo ay kasoo xigatay hay’adda UNHCR, waxaanay intaa ku dartay wadarta sanadkan oo keli ah ku naf waayay biyaha badda Mediterranean-ku in ay ka badan tahay afar kun iyo laba boqol oo muhaajir. Sida ay sheegtay gabadh lagu magacaabo Sami, mid ka mid ah labada doomood ayaa ay saarnaayeen 140 ruux oo isugu jiray Lix caruur ah iyo 20 Dumar ah, kuwaasi oo qaarkood uur lahaayeen. Sagaal iyo labaatan qof ayaa ka badbaaday doontaasi. Dhacdada labaad ee doonta labaad oo ku degtay meel aan ka fogayn halka doonta hore ku degtay ayaa timid subaxii hore ee Khamiistii shalay, taasi oo ay saarnaayeen 128 qof.
Waxaa ka badbaaday oo laga samata bixiyay 2 ruux oo dumar ah, oo iyagu xiligaasi naf la caarid ku ahaa biyaha dhexdooda markii markab ganacsi oo xeebahaasi marayay uu soo badbaadiyay.
Waxa Sida uu sheegay ururka caalamiga ah ee socdaalka, in ka badan 4,200 oo qof ayaa ku dhintay badda Mediterranean sanadkan oo keliya. Qaar badan oo ka mid ah dadka dhawaan ku dhintay baddaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ka tageen Galbeedka Afrika.