HALKAN KA AKHRISO: Telefiishanada Madaxa-Banaan, Wargeysyada Qaarkood Iyo Shabakadaha Wararka Ee Madaxa-Banaan, Ee Somaliland Ka Hawl-gala Oo Shalay Diiday Inay War Ka Duubaan Wasiir Xuseen
Hargeysa (Hubaal)- Telefiishanada Madaxa-Banaan Ee Ka Shaqeeya Somaliland, Wargeysyada Qaarkood Iyo Shabakadaha Wararka Ee Madaxa-Banaan, Ayaa Shalay Diiday Inay War Ka Duubaan Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid.
Wariyayaasha Iyo Sawir Qaadayaasha Telefiishanada Star, HCTV, Bulsho, Somali Channel, Kalsan Tv Iyo Royal Tv Iyo Xubno Kale Oo Ka Mid Ah Saxaafadda Qoraalka Ah, Ayaa Diiday Inay War Ka Duubaan Isla-Markaana Makarafoonnadooda Ka Hor Urursaday Wasiirka Caddaalada Somaliland, Ka Dib Markii Uu Maanta Ka Soo Laabtay Safar Uu Ugu Maqnaa Dalka Koonfur Afrika.
Wariyayaasha Diiday Inay Wax Ka Duubaan Wasiirka, Ayaa Markaasi Ka Hor Duubay Isla-Markaana Su’aalo Waydiiyey Wefti Wasiirro Ah Oo Ka Soo Laabtay Dalka Kenya, Diyaaradna Ay La Wada Socdeen Wasiirka Caddaalada, Hasa-Yeeshee Wariyayaasha Ayaa Markii Uu Dhamaaday Shir Jaraa’id Oo Wasiirrada Duulista, Arrimaha Dibadda Iyo Gaashaandhiggu Ku Qabteen Qolka VIP-Da Ee Madaarka Hargeysa Qalabkooda Urursaday.
Wasiirka Caddaalada Oo Sugayey In Wasiirrada Hore Hadalkooda Dhameeyaan, Ayaa Markii Uu Soo Kacay Ee Uu Isa Soo Taagay Goobtii Ay Yaaleen Makarafoonnada Iyo Rikoodhada Codadka Lagu Duubaa, Ay Guud Ahaan Xubnihii Saxaafaddu Ay Qalabkooda Qaateen, Dibadana Uga Baxeen Qolka Nasashada Ee Madaarka, Taasi Oo Wasiirka Ku Noqotay Weji Gabax, Maadaama Oo Ay Meesha Joogeen Wasiirradii Ay Saxaafaddu Warka Ka Duubtay, Isagana Wada Socdeen
Wasiirka Oo Arrintaasi Ka Naxay, Una Arkay In Saxaafaddu Takooreyso, Ayaa Markaasi Ka Dib Cod Gaaban Ku Yidhi “Waa Fasax Qofkii Aan Warkayga Doonayn”, Isaga Oo Isha Ku Haya Wariyayaal Ka Socday Telefiishanka Qaranka (SLNTV) Iyo Radio Hargeysa, Kuwaasi Oo Markii Dambe Keligood Duubay Hadalkii Wasiirku Ku Faahfaahinayey Safarkii Uu Ku Tagay Koonfur Afrika. Ilaa Hadda Lama Oga Ujeeddada Ay Saxaafaddu Uga Boodeen Inay Wax Ka Duubaan Wasiirka Caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid Oo Marka Si Loo Eego Arrintani Ku Tahay Fadeexad Iyo Takoorid Isaga Gaar U Ah.