War Kooban Oo Kasoo Baxay Shir Albaabaadu U Xidhan Yahay Oo shalay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya La Yeeshay Madaxweynaha DDS & Guddoomiyaha Xisbiga

0
11

Akhri Qoraal Lagu Baahiyay Barta Xafiiska Ra’iisal-Wasaaraha Oo Lagaga Hadlay Kulan Dhexmaray Abiy Axmed, Mustafe Cagjar Iyo Axmed Shide

Addis ababa (Hubaal) Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo gaba gabeeyay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar “Mustafe Cagjar” iyo guddoomiyaha xisbiga Axmed Shide.

Madaxda uu fadhigoodu yahay magaalada Jigjiga ayaa sabtidii doraad mar kale looga yeedhay xafiiska mas’uulka ugu sarreeya dalka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy Axmed ayaa shir ay albaabada u xidhan yihiin la yeeshay hoggaamiyeyaashan. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin qodobadii ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeedda kulankooda ay ku saabsaneyd khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo guddoomiye Axmed Shide. Markii uu shirka soo idlaaday ayaa macluumaad aan faahfaahin buuxda ahayn lasoo dhigay baraha xidhiidhka bulshada. Bogga uu xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku leeyahay facebook-ga ayaa lagu daabacay sawirro muujinaya saddexda mas’uul oo is garab taagan isla markaana dhoolla caddeynaya. Qoraal lasoo raaciyay sawirrada ayaa lagu yidhi; “Waa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka”. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa safar dalka dibaddiisa ah ku maqnaa intii uu maalmihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka. Xigasho: BBC-somali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here