War-Murtiyeed 22 Qoddob Ka Kooban Oo Cawayskii Xalay Ay Soo Saareen Ergooyinka Shirkii IGAD U Furmay Shalay

0
25

Akhri: Is-afgarad Maanta Dhaqan-gelaya Oo Dib U Bilaabaya Duullimaadyadii Jaadka Kenya ee Somalia Hakisay Oo War-murtiyeedku Diirrada Saaray

shirka-igad-ee-muqdisho-ka-qabsoomayMuqdisho (Hubaal):- War-Murtiyeed ka kooban qodobbo kala duwan, ayaa xalay laga soo saaray gunaannadka Shir shalay  magaalada Muqdisho uga furmay Madaxda Xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD, kuwaasoo lagaga hadlay amuuro kala duwan.  War-Murtiyeedkaas oo ka koobnaa laba iyo labaatan qoddob, waxaa markii shirkaas la soo gebo-gabeeyey Saxaafadda u akhriday Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed, waxaana qoddobadiisa kamid ahaa  dib u bilawga ganacsigii Jaadka Kenya laga keeni jiray ee Soomaaliya toddobaadkii hore   hakisay duullimaadyadii keeni jiray, kaasoo war murtiyeedka lagu xusay in maanta dib loo bilaabo diyaaradihii jaadka soo qaadi jiray isla markaana  ay sheegeen inuu si caadi ah u iman doono Soomaaliya iyo qodobbo kale oo Madaxweynaha Soomaaliya dalbaday.  Qoddobada kale ee  War-Murteedka IGAD ugu muhiimsanaa waxaa kamid ahaa in meel looga soo wada jeesto midnimada Soomaaliya, isla markaana iyadoo la xaqiijinayo Madax-bannaanideeda Dhul, Siyaasadeed iyo tan guudba.  Shirka IGAD wuxuu soo dhaweeyay Warbixinta Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ka siiyeen Madaxdii Shirka joogay hannaanka doorashooyinka ee sannadkan 2016-ka, taasoo ay ku baaqeen in doorashadu ay noqoto mid ay dadka oo dhan ka qayb-qaataan. In Madaxda IGAD ay isku raaceen in Arrimaha Soomaaliya looga dambeeyo sida xasilinta dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa looga mahad-celiyay horumarka ay ka sameysay dhismaha maamul-goboleedyada, isla markaana waxa loogu baaqay in sida ugu dhaqso badan lagu dhammeystiro dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Xukuumadda Soomaaliya waxaa IGAD ugu baaqay inay doorashadu noqoto mid cad oo aanu shaki ku jirin, isla markaana AMISOM ayaa lagu boorriyay inay bixiso wax walba oo fududeyn kara doorashada, gaar ahaan dhinaca ammaanka si ay dadku doorashada uga qayb-qaataan.” Kuwaas iyo qodobbo kale ayaa ka mid ahaa War-murtiyeedka IGAD.

Nuxurka Kulan Gaar Ah oo Ay Yeesheen Labada Madaxweyne Ee Kenya iyo Soomaaliya

Geesta kale, waxaa Kulan gaar ah yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta, ayaa Shir Jaraa’id oo ay kulankooda ka dib wada qabteen waxay sheegeen inay isku raaceen in dib loo furo Ganacsiga Jaadka Kenya ka yimaada ee Soomaaliya loo iib keeno oo toddobaadkii hore dowladda Federaalku shaacisay inay hakisay, sidoo kalena Kenya ay muddo saddex bilood ah kaga baaraan-dagto sidii loo joojin lahaa baadhitaanka dadka Muqdisho ka dhoofa lagu sameeyo markay marayaan degmada Wajeer ee Waqooyi-Bari Kenya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here