Shir-doceedyo Afartii Caanno-maal Ee U Dembeeyey Ka Socday Xayndaabka Lancaster House Iyo Ficillada Beeska Caalamku Ka Shidaal Qaadanayso
Qoddon Ka Mid Ah Dhukumentiga Shirka Oo Isku Lifaaqay Saldhiga Immaaraadku Dalka Somaliland Ka Samaysanayo Iyo Saannad Millateri Oo Uu Siiyey Maamulka Jubbaland
London (Hubaal):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada London ee waddanka Britain oo uu 11-ka bishan May oo maanta oo Khamiista ah uu ka furmi doono shir ay ka qaybgalayaan illaa 40 dawladood, Hay’ado iyo Ururro Caalami ah, kaasi oo lagaga hadli doono arrimaha horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee Soomaaliya, waxaana illaa shalay iyo xalay socday shir doceedyo oo ku xidhiidhsan Kulankan. Shirkan oo si rasmi ah uga furmi doono aqalkaloo yaqaanno Lancaster House oo ahayd. Shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, ayaa Khamiista Berri magaalada London ee xarunta waddanka Britain si rasmi ah uga furmi doona, kaas oo ay isugu iman doonaan Madax fara badan oo isla soo qaadi doona xaaladda Soomaaliya oo ah dal siddedii sano ee la soo dhaafay Safka hore ka galay Liiska waddamada fashilmay. Waxa uu Shirkaasi ka dhici doonaa Lancaster House oo ku yaalla magaalada London. Waxa si wada-jir u guddoomin doona Britain, Soomaliya iyo Qaramada Midoobay. Waa kullankii saddexaad oo Soomaaliya loo qabto tan iyo 2012-kii, waxayna u muuqataa in ajeendooyinka shirkan intooda badan yihiin kuwaa laga soo min guuriyey shirarkii hore, waayo arrimaha diirada la saari doono waxa ka mid ah Ammaanka, Dowlad wanaaga iyo Dhaqaalaha. Dhukumentiga rasmiga ah ee Shirka, ayaa waxa xoogga lagu saaray horumarka ay Soomaaliya samaysay, balse sharraxaadda laga bixiyey Soomaaliya waxba iska may beddelin tan iyo wixii ka dambeeyey Shirkii shan sano ka hor lagu qabtay London. Waxa lagu sifeeyey Soomaaliya inay tahay waddan aad u xasillooni-daran iyo mid aanu Maamul ka jirin, isla markaana halis ay ku yihiin Mitidiinta Al-Shabaab, Budhcad-Badeed iyo Macaluul. Budhcad-badeednimadii sannado hore ay ku bixi jirtay Lacag dhan 5.4 Bilyan oo Doollar ayaa meesha ka baxday, inkastoo ay jireen falal koobnaa oo dhacay sannadkan horraantiisii. Diyaaradaha aanan duuliyaha lahayn, xooggaga Amisom, la taliyayaasha ‘dhinaca amaanka’ ee ka soo jeeda waddamada reer galbeedka, iyo ciidamada Soomaaliya ayaa ka saaray kooxda Al-Shabaab inta badan magaalooyinka waawayn inkastoo haddana kooxdan jihaad doonka ah ay weli gacanta ku hayaan meelo badan, weeraran ay geysan karaan markii ay doonaan. Doorashooyin dhowaan dhacay ayaa waxa ku soo baxay madaxweyne cusub- oo ilaa imika ah mid dadku ay aad u jecelyihiin. Sidoo kale Barlamaanka waxa tiro badan ka helay dumarka. Hase-yeeshee, waxay Khabiirrada arrimaha Siyaasadda ee caalamka iyo kuwa gobolka iyo Soomaalida-ba qaarkood tilmaamayaan in uu yahay Shirkaasi mid qayb ka ah kulammada la doonayo in lagu boobo khayraadka Soomaaliya oo muhiimaddiisu tahay in Heshiisyo dhinacyada khayraadka ah lala galo Madaxda Soomaaliya. Soomaaliya waxay qarka u saarantahay macaluul. Ma gaarsiisano heerkii ay gaarsiisanayd macaluushii ka dhacday dalka 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 250 kun oo qof. Marka si loo fiiriyo waa arrin lala yaabo in abaarta haatan jirta aanay ka mid ahayn arrimaha ugu waawayn ee lagu soo qaadayo shirkan London.
Abaar daran;
Waddanka waxa fara ba’an ku haysa abaar lagau tilmaamay in tahay tii ugu darnayd muddo tobonaan sano ah. Waxa la waayey afar xili roobaad, Qaramada Midoobay-na waxay ku qiyaasaysaa in 275 kun oo caruur ay soo foodsaarayso sanadkan nafaqa darro aad u ba’an. Dadka durbadiiba waxay u dhimanayaan gaajo iyo cudurro, waxaana xaaladahaasi aad ugu sii nugul dadka ay abaarta saamaysay. Carruurta nafaqo darada ay saamaysay waxa la sheegay in sagaal jibaar ay halis ugu jiraan inay u dhintaan cudurada sida jadeecada iyo shuban biyoodkaXitaa ka hor inta aadan gudaha u gelin isbitaalka ku yala magaalada Burco, oo ka tirsan Somaliland oo iskeed gooni isugu taagtay, waxaad maqalaysaa oohinta dheer ee carruurta nafaqo darrada asiibtay. Wiil yar oo xidhan dhar jaalla ah ayaa indhihiisa waxay eegayaan darbiga; “Maskaxdiisa ayaa dhaawac soo gaadhay, waxaana u sabab ah abaarta daba dheeraatay iyo isagoo waayey nafaqadii uu u baahnaa.” Sidaasi waxa yidhi Dr. Yussuf Cali oo laba sano ka hor dib ugu laabtay Soomaaliya. Waxa uu ka shaqeyn jiray UK. Waxa uu intaasi raaciyey; “Weligii kama soo kabsan doono.”’
Ammaanka;
Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya, tobonnaan kun oo qof ayaa ku barakacay abaarta. Waxay isugu uruureen goobo si ku meel gaar ah ay u joogaan, waxayna samaysteen guryo ka samaysan cooshash duleedka magaalada Baydhabo. Halkan waxay ahayd hal bowlaha macluushii ka dhacday Soomaaliya 1991- iyo 2011-kii. Waxa loo aqoonsaday in ay noqotay “Xagashii dhimashada”! “Al-Shabaab ayaa ka faa’ideysanaysa wiilashii iyo nimankii aan ka soo tagnay, waxayna siinayaan doolar iyo cunno.” Sidaasi waxa tidhi Haweenay. Waxay intaasi ku dartay; “Nimankeennii iyo Wiilasheennii waxa lagu qasbayaa in ay noqdaan Mujaahidiin.”’ “’Dhibaatada ugu wayn ee caqabadda ku ah in wax laga qabato Abaarta, waa Amni-darrada.”’ sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan. Magaalo-madaxda Maamulkaas ee Baydhabo oo ay ilaaliyaan Ciidammada Itoobiya, ayaa waxay ku tallaa badhtamaha degaannada ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Shariif oo ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Mintidiintu waxay xidheen dhammaan waddooyinkii looga baxayey magaalada, markaa way adag tahay in aan gargaar gaadhsiinno Dadka dhibaataysan.” Hadalkaasi waxa uu ka turjumayaa sababta arrinta amaanka mudnaanta koowaad loo siinayo shirka ka dhacaya London. Inta Soomaaliya ay ka jirto colaad, qeybaha kala gedisan ee dalka ay gacanta ku hayaan dhinacyo iska soo horjeeda, way adkaan doontaa in gargaarka deg dega ah, iskaba daaye in la hir geliyo mashaariicda horumarinayd ee lagu hiigsanayo mustaqbalka fog.
Qebsiga Kheyraadka; Maamullada cusub ee qaar ka mid ah ee dhowaan uun la sameeyey ayaa dadka dhaliila hanaankan waxay sheegayaan in laga yaabo in ay horseedaan colaad cusub. Tusaale ahaan waxay tilmaamayaan colaadii sanadkii hore dhax martay maamulada Galmudug iyo Puntland. Mid ka mid ah hadafyada laga leeyahay Kullanka London ayaa waxa uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa dowladda Federaalka iyo maamulada ay qeybsadaan kheyraadka, waana arrin dhalisay muran xooggan xitaa ka hor inta aanan la qaban kullankii ugu horreeyey ee London. Dhinaca kale, waxa iyaduna muran xooggan dhalisay awood maamulada federaalka u leeyihiin in ay heshiisyo la galaan waddamada ama shirkadaha caalamiga ah. Tusaale ahaan, Isu taga imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka samaysanaysaa saldhig milatari degaanka Berbera oo ay maamusho Soomaaliland. Imaaraadka waxay sidoo kale saanad iyo agab milatari siisay Maamulka Jubbaland. Ergaygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya u fadhiyey Maraykanka, Abubakar Armaan ayaa ku tilmaamay kullanka London. “’Goob Dad wax boobaya ay isugu imanayaan” waxa uu intaasi ku daray in ay tahay goob awoodaha shisheeye ay doonayaan in ay ku kala qeybsadaan Soomaaliya, iyagoo eegaya donahooda gaarka ah. Qaar badan oo ku nool Soomaliya, ayaa u arka shirkan in uu yahay mid dhaqaale uun lagu luminayo, waxaanay sheegayaan in loo baahanyahay in Lacagta ku baxaysa Shirka lagu bixiyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira dalka.
Xigasho BBCSomali.com.