War Murtiyeed Ku Xidhiidhsan Shaqaaqadii Jaamacadda Hargeysa Iyo Shaqo Joojin Ay Shaqaaluhu Ku Dhawaaqeen

0
26

Hargeysa (Hubaal)- Shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala Jaamacadda Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay inay sameeyeen shaqo-joojin ka bilaabmaysa Isniintii shalay, kadib markii weerar khasaare badan sababay ka dhacay jaamacaddaas. War-murtiyeed ay soo saareen shaqaalaha Jaamacadda Hargeysaoo nuqul ka mid ah soo gaadhay Maankaab xalay, ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday jaamacadda shalay lagu burburiyey gaadiid tiradoodu dhan tahay ilaa 120 baabuur, isla markaana khasaare soo gaadhay 20% shaqaalahooda, sidaas darteedna ay go’aansadeen inay sameeyaan shaqo-joojin.  War-murtiyeedka ka soo baxay Shaqaalaha Jaamacadda Hargeysa oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; Jaamacada hargeysa“Shaqaalaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa waxay la socodsiinaynaa dhammaan danneeyayaasha Jaamacadda in laga bilaabo maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 27 July 2015 ay sameeyeen shaqo-joojin sababahan dartood:  Markii ay soo waajahday Jaamacadda Hargeysa amni-darro baahsan oo sababtay in dhammaan la sugi kari waayay amniga ardayda, macallmiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda.

Markii 17 kii June 2015 ay koox abaabulan soo weerartay shir wada jir ah oo ay lahaayeen golaha sare iyo dhamaan maamulka Jaamacadda Hargaysa, shirkaasi oo dhaawacyo halis ah loogu gaystay shaqaalaha jaamacadda iyo xubno Golaha Wasiirrada ah oo shirkaasi hogaaminayay (Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka), isla markaana lagu boobay hanti ay xubnaha la weeraray haysteen.

Markii maanta (shalay) 27 July 2015 oo imtixaanno ay ka bilaabmayeen mar labaad la soo weeraray Jaamacadda, isla markaana gebi ahaanba jugo iyo dhaawacyo la soo gaadhsiiyay 20% kiiba shaqaalaha Jaamacadda, la burburiyay gaadiid dhan 120 baabuur oo ay lahayeen shaqaalaha, macallimiinta, maamulka iyo ardayda Jaamacaddu.

Shaqaalaha Jaamacaddu waxay go’aansadeen in gebi ahaanba ay sameeyaan shaqo-joojin, maadaama oo aanay sugnayn amnigooda, ka macallimiinta iyo ka ardayduba. Waalidka sharafta leh waxaannu u sheegaynaa in ay ardayda amnigooda sugaan, isla markaana ardayda ka joojiyaan imaatinka Jaamacadda ilaa arrimaha amni ee Jaamacadda laga gaadhayo xal, isla markaana la sugayo amniga iyo kala dambaynta.

Waxaanu u sheegaynaa shaqaalaha iyo ardayda dhaawacyada nafeed iyo maaliyadeed soo gaadheen in aynu dhawrno, isla markaana sugno halka shuruucda iyo caddaaladda waddanku mariso dhibka ina soo gaadhaay.

Xukuumadda waxaannu ka codsanaynaa in ay cidda abaabulka iyo dhibka ka wada Jaamacadda ay tallaabo ka gaadhaan. ‘Caddaalad raagtaa waa Caddaalad la burburiyay.’

Nabad iyo wada noolaansho ayaa horumar lagu gaadhaa.

NB: Shaqo joojintu waxay soconaysaa inta tallaabo sharci laga qaadayo ciddii dhaawacyada nafeed iyo maaliyadeed gaysatay iyo ciddii soo abaabushayba.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen shaqaalaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.

Dhinaca kale, Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cabdi Daahir Cammuud oo shir jaraa’id qabtay shalay, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka dhacay Jaamacadda Hargeysa shalay iyo tirada dadka u xidhan falkaas.

“Dhibaatada Jaamacadda ka dhacday waxay ka timi jaamacadda gudaheega, wax dibada kaga yimi oo ku soo duulayna ma jiro, ciidanka ammaanka ayaana ku wareegsanaa dayrka iyo albaabka laga galo jaamacadda, waxaanna dhacday in ardaydu boobtay imtixaankii oo wax ay jeexjeexaan iyo wax ay daadiyaan ayey ka dhigteen, kadibna waxa ardaydu bilaabeen dhagax-tuur oo dhawr baabuur oo gudaha ku jiray muraayadaha wax ayey ka yeeleen, ilaa lix baabuur oo dibadda yaalayna muraayadaha ayaa wax laga gaadhsiiyey, waxayna ciidanku gacanta ku hayaan ilaa 16 nin, baadhistiina way noo socotaa, ciddii sharcigu wax ku caddeeyana waajibkeeda ayaa laga gudayanaa.” Sidaa waxa yidhi Taliye-ku-xigeenka booliska Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdi Daahir Cammuud, ayaa isna sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono cidkasta oo lagu helo inay ka dambaysay, kuna lug leedahay dhibaatooyinka ka dhacay Jaamacadda Hargeysa, isla markaana dawladdu siyaasad cad ka soo saari doonto arrintaas, lana dhammayn doono wixii dhibaato ah ee ka jira Jaamacadda Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here