War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Kulan Lagaga Dooday Siyaasadda Beelaha Gabeeye Ee Doorashada 2019

0
13

Hargeysa (Hubaal) Kulan laba cisho socday beelaha Gabooye, ujeedadiisuna ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa siyaasadda dadka laga tiradda badan yahay, islamarkaana lagu hirgalin lahaa soo jeedinta qoondadii gaarka aheyd ee kuraasta golaha wakiilladda iyo deegaanka ee uu madaxweynaha Somaliland u qoondeeyay doora, ayaa maanta oo salaasa ahayd lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urrurka u dhaq-dhaqaaqa beelaha laga tiradda badan yahay ee Daami Development Organization, DYDO, isla markaana maalgalintiisa ay gacan ka geysatay hay’adda ONSOM, ayaa waxa ka soo qayb galay, Wasiirro xukuumadda ka tirsan, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, in Faysal Cali Waraabe, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah sulaadiinta waa weyn ee beeshaasi,  xubno ka socday urruradda xuquuqal insaanka madax dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankan ayaa Intii uu socday waxa laga dooday sidii beelaha laga tiro badan yahay ay kuraas uga heli lahaayeen golayaasha wakiilladda iyo deegaanka doorashada la filayo inay dalka ka qabsoonto 2019, iyo sidoo kale in sidii doorkooda siyaasadda kor loogu qaadi lahaa

Gabogabadii shirka, Waxa war-murtiyeed laga soo saaray warbaahinta la wadaagay garyaqaan Maxamed Jaamac Ibraahin oo goobta ka akhriyey, waxaanu u dhignaa sidan;

DAAWO:

“Annaga oo ku hadlayna magaca beelaha laga tiradda badan yahay, waxa aannu u mahadcelinaynaa, bulshada rayidka ah, odeyaasha qaranka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee shirkan nagala soo qaybgalay.

Sidoo kale garyaqaan Maxamed Jaamac Ibraahin, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo golihiisa wasiirrada oo 7-dii Juun 2018 lagu ansixiyey soojeedin ah in qoondo gaar ah oo 3 kursi ah golaha wakiillada laga siiyo dadka laga tirada badan yahay, kuwaas oo ku tartama dhexdooda.

Annaga oo ka duulayna qadiyadaas, waxa aannu ugu baaqaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland:

  1. Inuu kuraasta qoondada ee saddexda ah kordhiyo, kana dhigo tiro ah lix, taas oo macnaheedu yahay in lixda gobol-doorasho ee Somaliland gobol walba looga qoondeeyo hal qof
  2. Inuu baarlamaanka oo ka kooban wakiillada iyo guurtida ku booriyo inay ansixiyaan kootada lixda kursi, kana fiirsado inay goleyaashu ansixin waayaan sidii dhacday 2017-dii, wakhtigaas oo baarlamaanku si qaldan u fasirtay qodobka 8-aad e dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, iyagoona ku dooday in kootadu ay ka horimanayso qodobkaas oo ka hadlaya sinaanta muwaadiniinta.
  3. Waxa aannu aaminsan nahay in diidmada waqtigaas ee kootada beelaha laga tiradda badan yahay lahayd mid aan haboonayn.
  4. Doorashooyinkii hor waxa aannu ka baranay in aanay u suurtoobayn inay beelahani kuraastooda ka helaan baarlamaanka sababo iyo duruufo is biirsaday awgood.

Sidoo kale waxa aannu u soo jeedinaynaa baarlamaanka qodobadan;

  1. Inay wax ka beddel ku sameeyaan xeerarka doorashada si beelaha laga tiro badan yahay 6 kursi loogu qoondeeyo golaha wakiillada, ugu yaraana 12 kursi looga qoondeeyo goleyaasha deegaanka
  2. In ay ka hortagaan in la ansixin waayo qoondada beelaha laga tiro badan yahay ee golaha wakiillada sidii horeba u dhacday
  3. In ay aqoonsadaan xuquuqda siyaasadda ee beelahani, si ay uga muuqdaan kurdada aannu abuurnay dadka laga tiro badan yahay, si loo helo xuquuqdooda ka qaybgalka siyaasadeed ee dadka laga tirada badan yahay.

Sidoo kale waxa aannu u soo jeedinaynaa xisbiyada siyaasadda qodobadan;

  1. Waxa aannu ugu baaqaynaa saddexda xisbi qaran ee kala ah, Kulmiye, Waddani iyo Ucid, in ay codkooda ku biiriyaan ansixinta qoondada dadka laga tirada badan yahay, kana fogaadaan inay si uun caqabad ugu noqdaan.
  2. In ay kusoo biiraan kudlada goleyaasha qaranka ee aannu ugu talogalnay inay riixaan meel marinta qoondada dadka laga tirada badan yahay loogu talogalay.
  3. Waxa aannu ugu baaqaynaa saddexda xisbi qaran inay hoggaankooda, laamahooga fulinta iyo xoghayeyaashooda ay ka muuqdaan dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay, si ay uga mid noqdaan kor u qaadida xuquuqda siyaasadeed ee dadka laga tirada badan yahay.

Waxa aannu ku baaqaynaa in qoondada kuraasta goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dadka laga tirada badan yahay ay noqoto sidan soo socota;

Golaha Wakiillada: 6 Kursi lixda gobo lee dalka

Golaha guurtida: 6 Kursi [haddii la soo dooranayo]

Goleyaasha deegaanka: 14 kursi [ toddobada magaalo ee dalka]

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here