WAR-MURTIYEED: Warqada Fooljariga ah ee uu qoray Cabdicasiis Xirsi Warsame waa Fal-dambiyeed iyo Jariimad culus oo ka dhan ah Sumcadda iyo Xuquuqda SONYO, waana arrin lagula xisaabtami doono”

0
32

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha dalladda SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa maanta war-murtiyeed kasoo saaray qoraaladii uu Cabdicasiis Xirsi Warsame dhawaan u kala diray saxaafadda  ee uu ku sheegay inuu ururku u doortay guddoomiyaha,war-murtiyeedkan oo nuqul kamid ahi nasoo gaadhay ayaa u qornaa sidan:

“Falaadhi Gilgilasho Kaagama Go’do: Warqada Fooljariga ah ee uu qoray Cabdicasiis Xirsi Warsame waa Fal-dambiyeed iyo Jariimad culus oo ka dhan ah Sumcadda iyo Xuquuqda SONYO, waana arrin lagula xisaabtami doono”
Sida ku cad Dastuurka Dallada SONYO, qoddobkiisa 8aad, farqradiisa 5aad , tirsigiisa 1aad , labadii sannaba hal mar ayaa la qabtaa Shir-weynaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO. Shir-weynihii 7aad ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO waxa uu u dhacay si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta u dagsan Dallada. Sidaas daraadeed, xil-wareejinta Guddoonka cusubi waxay dhici kartaa muddo bil ah gudaheed ayay ku dhacaysaa, taariikhdaas oo ku eeg 31ka January 2015. Inta ka horaysa muddadaas, waxa xilka haynaya hoggaankii Golaha 6aad ee la doortay December 28, 2012-kii kaasoo aan annigu guddoomiye u ahay.
Haddaba waxaa la yaab ah isla markaana ayaan-darro iyo wax laga yaxyao ah Warqadda been abuurka iyo fooljariga ah ee uu qoray isla markaana uu qaybiyay Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ahaa musharax dhowaan u tartamay guddoonimada SONYO kana tirsan Golaha Sare ee 7aad ee cusub. Sidaas darteed, waxa aan halkan ka cadaynayaa in warqadii qadafka iyo meel-ka-dhaca ahayd ee dhowaan loo qaybiyey saxaafada dalka. Marka kale, ayaan si rasmi ah u caddaynayaa in Warqadaasi tahay mid been abuur ah oo si badheedh ah looga gon lahaa in lagu burburiyo laguna hagar-daameeyo sumcadda iyo karaamada Dallada SONYO.
Waa xaaraan iyo gaf qaanuuni ah in suuqa laga soo samaysto shaambad xafiis dhisan kaasoo leh hawl-wadeeno igman oo shaqeynaya iyo hoggaan muddo xiliyeedkiisu wali dhammaan. Haddaba Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ah shakhsiga qoray Warqadaas been abuurka ah kuna kacay fal-dambiyeedkan budhcadaysani waxa uu faraha kula jiraa dambi cad. Fal-dambiyeedkan waxaa lagu xalin doonaa qawaaniinta iyo shuruucda la xidhiidha dambiyada been-abuurka iyo foojariga ee JSL, sida Xeerka Ciqaabta Guud iyo Xeerka Hay’adaha aan Dawliga Ahayn ee JSL (SL NGO Act).

War- Murtiyeed 1War-Murtiyeed 2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here