Hargeysa (Hubaal) War-saxaafaddeed uu soo saaray xafiiska imtixaannaadka qaranka ayaa lagu sheegay in sagaal iyo toban kamid ah macalimiintii magacyadoodu ku jiray liiskii wasaaradda waxbarashadu soo saartay ee ahaa fududeyn qish ardaydii sanadkan imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisatay.
Baadhis uu xafiisku u cuskaday in la sameeyay kadib, ayaa lagu sheegay war-saxaafaddeedkan in 19-kan macallin laga waayay dembiga ah inay fududeeyeen qishka imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan. sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in macalimiintan laga saamaxay dembigii loogu haystay kamid noqoshada fududeynta qishka, isla markaana waxa lagu faray 19-kan macallin iyo maamulkoodaba inay la yimaadaan ballan-qaad, xafiisku ka rabo oo weliba qoraal ah.
Halkan Ka Akhriso