War-Saxaafaddeed: Muxuu Guddoomiyaha KULMIYE Ka Yidhi Hadalkii Saleebaan Gaal?

0
30

Waxa aad moodaa In ay warbaahinta ku soo baxayaan hadalo dhibaato ku abuuraya heshiiskii ay xisbiyadyu dhexdooda ka gaadheen.

Muuse BiixiHorta sida ku cad heshiiskoodii xisbiyadu waxa ay ixtiraamayaan go’aankii Golaha Guurtida ee kordhinta Muddo Xileedka Madaxweynaha, ku xigeenka iyo golaha wakiilada, waana dastuuri sababtoo ah golaha guurtidu waa Gole Sharci dajineed oo uu dastuurku u jideeyay awooda mudo kordhinta

Hadaba markii uu go’aankaasi soo baxay, waad ogaydeen oo xisbiyada Mucaaradku  way ka cawdeen oo qaylo dheer bay ku dhufteen.

Xisbiyada mucaaradu waxa ay ku eedeeyeen xukuumada, madaxweynaha iyo xisbiga kulmiye in muddo ka badan intii doorasho lagu qaban lahaa loo kordhiyay.

Madaxweynuhu cabashada mucaaradka wuxuu u fidiyay Gogol, lagaga wada hadlo oo lagu darso waxa ay ku Tabanayaan.

In kasta oo aanu madaxweynuhu lahayn awooda mudo kordhinta, hadana waa Hogaamiyihii qaranka oo wixii khilaafaad siyaasi ahee  soo kordha waa masuuliyadiisa in uu xal u helo.

 Iyada oo taaas laga duulayo ayaa xisbiga Kulmiye iyo Mucaaradku wada hadal bilaabeen  May 25, 2015.

Dooda mucaaradku waxa ay ahayd doorasho waa la qaban karaa muddo ka gaaban taas ay guurtidu ay cayintay.

Kulmiye waxa uu ku dooday horta aan qiimayno hawlaha inoo yaala ee ka horeeya wakhtiga doorashada iyo inta ay qaadanayso.

Doodaas waxa ka soo dhex baxay oo aanu isla garanay in December  2016 badhtankeeda la qaban karo doorashada.

Hadaba waxa aanu isweydiinay sidee baa sharciga loo waafajiyaa.

Markii aanu la tashanay sharciyaqaano  waxa ay noogu muuqatay, maadaama uu mudo xileedkii guurtidu ay gooysay uu sharci yahay oo aan cidina diidanayn in dhexdeeda lagu qaban karo doorasho.

Kulmiye ahaan waxa aanu labada xisbi ee kale ka codsanay in muddo laba cisho ah aynu guurtida iyo meelaha kale ee ay khusaysaba kala tashano si aynu u saxartirno arrinteena, Halkaas nasiib darro waxa naga cadhooday Xisbiga Wadani oo u arkay in aanu ka cago jiidayno arrinta.

Waxa dhacday in ay arrintii oo aan bislaani dibada nooga baxday.

Si Xun wax u sheeg sixir ka darane waxa loo turjumay in xisbiyada qaranku ay  Go’aankii  golaha Guurtida jabinaynaan, arrintuna sidaas ma ahayne waxa aanu u soo wadnay guurtida oo aanu kala tashanaynayn sida la isu waafajin karo arranta aanu wadnay iyo go’aankooda.

Xalay saddexdayada guddoomiyeba waxa aanu u soo jeedinay Shirguddoonka Guurtida Heeshiiskayagaas aanu isla gaadhnay idina nala taageera oo sharciga nala waafajiya,

Waxaanan ka raali gelinayn in warkii uu naga soo baxay anaga oo aan idin soo gaadhin.

Guddoomiyaha arrintu way ku cusbayd hadal xuna namuu odhan, Dastuurka uun baa la raacayaa ayuu noogu jawaabay.

Waxa aanu leenahay hadii aanu xisbiyadii nahay, arrintu meel wanaagsan bay inoo maraysaa, saddexdii xisbi way Is afgarteen,waxa ay nala tahay inay guurtida oo odayaasheenii ahi in aanu heli karno si la isu waafajiyo heshiiska xisiyada iyo sharciyada.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here