GUDAHA KA AKHRI: Madaxweyne Siilaanyo oo Jagadii Uu Iska Casilay Cabdikariim A. Mooge, U Magacaabay Wasiir Ku Xigeen Cusub
WAR-SAXAAFADEED: Waa Kuma Mas’uulka Cusub Ee Loo Magacaabay WAsiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Qaranku?
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Ayaa goor dhawayd buuxiyey jagadii wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranka ee uu iska casilay Cabdikariim Axmed Mooge.
Warsaxaafadeed ka soobaxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha xidhiidhka warbaahinta iyo madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir Ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu digreeto summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3515/082018 uu ku magacaabay wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaraddaasi yeelanayso Mr. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil Oo loo yaqaanno Cabdi-wadaad. Warsaxaafadeedka oo dhamaystirana waxa lagu yidhi
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu
digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3515/082018 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir ku xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.
Madaxweynaha:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland”. Ayaa lagu yidhi Warsaxaafaeedka.
Waa kuma Cabdi Wadaad?
Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil (Cabdi-wadaad) waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta reer Somaliland ee xilalka kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii kala dembeeyey ee Somaliland Soo Maray isaga oo waqtigii Rayaale ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga Somaliland.