Waraaqo Weydiin Iyo Warcelin Isugu Lifaaqan Oo Ay Wasiirka Waxbarashada Iyo UNICEF Shalay Is Weydaarsadeen

0
26

GUDAHA KA AKHRI: Nuqulka Warqad U Hanjabtay UNICEF Oo XAfiiska Wasiir Habanne Kasoo Baxday Iyo Jawaab Xaal-marin Ah Oo Isla Shalayba Ay Hay’addu Soo Saartay

unicef
Hargeysa (Hubaal)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF ayaa markii ugu horraysay raalligalin ka bixisay hadallo uu mid ka mid ah masuuliyiinteedu kula kacay madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland. Qoraal raalligalin ah oo ay ku saxeexan tahay madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed, ayaa lagu muujiyay sida ay uga xun yihiin habdhaqankii uu masuulkoodu ku tallaabsaday, mar ay dhowaan kulan kula jireen madaxda Wasaaradda. Qoraalka marwo Aamina Maxamed ayaa daba socday kadib markii uu Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Dheere) uu Sabtidii shalay Warqad u qoray Madaxda Xafiiska UNCEF Ee Hargeysa isla markaana kaga dalbaday in ay raalligelin ka bixiyaan deel qaaf uu masuul ka tirsan xafiiskoodu kula kacay madaxda wasaaradaas.

Nuxurka Warqadda uu Wasiirku u qoray UNICEF

warqadda-wasiirka-waxbarashadu-qoray

Warqadan uu wasiir Habanne qoray oo tixraaceedu ahaa Ref: MOE/HE/01/460-250/16, isla markaana uu ku socodsiiyey xafiiska UNICEF ee Hargeysa ayaa nuqul kamid ah oo ay warbaahintu heshay waxaa uu ku duray habdhaqankii iyo anshaxii uu masuulka UNICEF u metellayay kulan dhawaan dhex maray isaga iyo madaxda labada hay’adood ee UNICEF iyo Save the Childern, iyadoo biyadhaca warqadiisu ay ku wargelinaysay cidda ay ku socotay in tallaabo laga qaado masuulkaasi. Waxaana qoraalka wasiirka ee ku xardhanayd warqadda cinwaan looga dhigay {Bixin Raaligelin], waxaanay u dhignayd sidan:

“ Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland waxaa ay idinku wargelinaysaa isla markaana magan idiinka tahay in uu xafiiskiina Hargeysi raalli gelin buuxda ka bixiyo anshax-xumadii iyo hab-dhaqanka taban ee ka muuqay xubinta shaqaallihiina kamid ah ee Magaciisu yahay Maxamuud Cabdi Sh. Axmed, kaasi oo si ka baxsan akhlaaqiyaadka u marin habaabiyey shaacintii mashruuca GPE ee ay wasaaraddu ku dhawaaqday cidii ku guulaysatay maamulideeda taariikhdu markay ahayd 28-11/2016”. Ayaa lagu yidhi qoraalka wasiirka, waxaana lagu ladhay

Haddii Aan raalligelin buuxda arrintaasi uu xafiiskiinu ka siin waayo wasaaradda warbarashada , waxaanu ka fiirsan doonaa wada shaqaynta tixgelintu ku ladhan tahay ee u dhaxaysa UNICEF iyo Wasaaradda” ayaa wasiirku qoraalkiisa ku soo gebogabeeyey.

Jawaabta UNICEF iska shalayba ka bixisay warqadda wasiirka

Markii uu Warqaddan wasiirka waxbarashadu u diray xafiisyada UNICEF, ee uu ku socodsiiyey waxaa isla shalayba qoraal raalligelin ah soo saartay madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed kaasi oo lagu muujiyey sida ay UNICEF ahaan uga xun yihiin sida uu masuulkoodu ula macaamilay madaxda wasaaraddaas. Kadib uu wasiirku Hay’adda Save the Children siiyey fulinta iyo maamulida mashruucan oo saddex sanno socon doona isla markaana ay ku baxayso lacag dhan saddex milyan oo dollar oo ay qaramada midoobay ku bixinayso tayaynta waxbarashada iyo xirfadda barayaasha somaliland. Qoraalka UNICEF oo sumadiisu ahayd (SOM/HAR/16/242), ayaa lagu yidhi “Waxaannu yiqiinsannahay in masuulkayagu u dhaqmay si aan habboonayn, si niyad ahna waannu idiinka raalligalinaynaa,” ayaa lagu bilaabay qoraalka raalli-galinta ah ee hay’adda UNICEF, xafiiskeeda Somaliland. “Hawlwadeennadayada qaarkood waxa qaadi karta caadifadda mararka ay la kulmaan xaalado adag, sida tan hadda dhacday oo kale” ayay tidhi Marwo Aamina Maxamed, waxaanay intaa raacisay, “Arrintan waxaannu ka wada hadalnay hawlwadeenkii ay khusaysay ee gefka sameeyay, wuu qiray qaladkii uu sameeyay, waanuu ka qoomamooday. Waxa ka go’an in aanu dib u samayn gef kale.” Qoraalka madaxa xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed, waxa lagu soo afmeeray: “Waxa naga go’an inaannu sii wadno wada-shaqaynta aannu la leennahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo taageerista xaqa uu ilme kastaa ba u leeyahay in uu waxbarasho helo.”

 Si kastaba ha ahaatee waraaqahan ay labada xafiis is dhaafsadeen ayaa ka dembeeyey kadib markii ay wasaaradda waxbarashadu U saxeexday hay’adda UNICEf Maamulista mashruucan ku kacaya Lacag dhan 21 Malyuun Oo Dollar, kaasi oo soconaya mudo saddex sano ah.

pectuter1-745x1024-1

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here