Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Kordhay Maxkamadeynta Dhalinyarada Soomaalida Ah Ee Ku Xidhanaa India

0
25

dhalinyaro-hindiya-lagu-xidhay

Mumbai:(Hubaal)-Dib u dhac ayaa ku yimid Maxkamadeynta dhalinyaro ah Soomaali ah oo ku xidhan dalka India taasoo maalintii shalay lagu waday iney ka dhacdo magaalada Mumbai ee xarunta wadankaas.

Dhalinyaradan oo tiradoodu gaadheyso 117 nin ayaa loo heystaa falal budhcad baceednimo, waxaana qaarkood la sheegay in ciidamada India ay ka soo qabteen meelo ku dhow xeebaha wadankaas.

Lama oga sababta dib u dhaca ku keentay dacwada Soomaalida halkaas ku xidhan oo maalintii shalay la filayey in lagu rido xukuno kala duwan, lamana sheegin xiliga kale ee ay qabsoomi doonto.

Wargeys ka soo baxa dalkaas oo la yidhaahdo The Times of India ayaa dhowaan qoray in 50 ka mid ah dhalinyaradan lagu helay cadeymo culus lagana yaabo in dil lagu xukumo.

Waxaa arrintaas ka gilgishay bulshada Soomaaliyeed oo dhigay banaanbaxyo looga soo horjeedo xukunka noocaas ah, iyadoo madaxda dowlada federaalka Somaliya ay sheegeen iney dowlada India kala hadleen sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xukun cadaalad ku dhisan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here