Waxa Ay Faro-madhnaan Kala Soo Laabteen Kulan ay La qaateen Cabdiraxmaan Saylici Oo Isagu Diidmo Sharciyeysan Kala Hortegay.
Shirar-doceed uu guddoominayey Sheekh Samaale Oo Ay Kooxdani Xalay Isugu Timi+ Mowqif Jar-iska-xoornimo Ah Oo Ay Sabtida Berri u Ballameen
Hargeysa:(Hubaal)-Kooxda Kasoo Horjeedda Qabsoomidda shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa Hungo iyo faro-madhnaan kala soo noqotay Kulan qarsoodi ahaa oo ay maalintii shalay la yeesheen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Ahna Ku-simaha Madaxweyne Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), kaas ay ku dalbanayeen in Dib loo dhigo Xilliga uu shirweynahaasi qabsoomayo oo hore loo iclaamiyey. Xubnaha Kulankaas ka qaybgalay oo ay hoggaaminayeen Wasiirro qaarkood musharraxnimada Madaxweynenimo ee Xisbiga Hore u iclaamiyeen iyo tiro kooban oo taageeradooda shaaciyey, ayey kooxdani Madaxweyne-ku-xigeenka ugu muujiyeen Warwarka ay ka qabaan Doorka liita ee ay ku leeyihiin Golaha dhexe ee Xisbiga, waxana ay si nafla-caarinimo ah u sheegteen in Baahi loo qabo Laba arrimood inuu ka aqbalo, kuwaas oo kala ah In Muddada shirka dib loo dhigo iyo in La sameeyo Guddi qabanqaabo oo shirkaas gacanta ku qabata. Kulankan oo ay goob joogayaal ka ahaayeen wasiirro ay kamid yihiin Cali Maxamed WAran-cadde iyo Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa Sida ay ilo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Hubaal, waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku si tixgelin leh u dhegaystay Dacwadda iyo Tawaawaca Kooxdaas, waxase uu dalabkooda kaga falceliyey Jawaab aanay ku liibaanin oo diidmo ah, waxana uu u tilmaamay inay u noqdaaan Distoorka Xisbigu leeyahay, kaas oo si hufan u qeexaya Cidda iska leh Qabanqaabada shirka Golaha dhexe ee Xisbiga oo ah Guddoomiyaha Xisbiga oo ah Md Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale Waxa uu Mudane Saylici Kooxdan u caddeeyey inaanay macquul ahayn in dib-u-dhigis lagu sameeyo Shirkaas hore loo iclaamiyey, waxana uu muujiyey inaanu ku qanci Karin doodahooda jaban ee ay ku carqaladaynayaan Shirweynahaas. Kooxdani waxa ay Cadho kaga dareereen Madaxtooyada, waxana ay shirar aan natiijo ka dhalanin ku yeesheen Huteellada Guleid iyo Mansoor, waxana ay hungo iyo wax la’aan dabadeed ku guuldarraysteen inay isla qaataan Ra’yi midaysan oo ay ku wajahaan sidii ay uga carari lahaayeen Guuldarrada ifafaalaheeda ay sii arkayaan ee kaga soo socota Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ula muuqda mid Muuse Biixi Guulo Waaweyn iyo libin-geeraar kala carraabi doono. Inkastoo aanay Kooxdani wali isku raacin Arrin ay ku midaysan yihiin, haddana Wararka dhinacooda uu Wargeyska Hubaal Ka helayo, ayaa sheegaya in intooda badani ku calaacalayaan inay iska sugaan Madaweynaha iyo waftiga la socda oo ay u arkaan inay u tahay fursad ay shirkaas dib ugu dhigi lahaayeen, iyagoo ku xisaabtamaya Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi oo ay isku dhinac ka yihiin Carqaladaynta shirkaas. Iyadoo ay wali sii socdaan Shirar-doceedyada Kooxdani sida qarsoodiga ah u qabsanayan, ayaa shir Albaabadu u xidhan yihiin oo Kooxdani Xalay ku qabsadeen Hutel Mansoor oo uu Guddoominayey Wasiirkii hore ee Maaliyadda, ahna musharrax Madaxweynenimo oo Xisbiga Dhexdiisa Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, isla-markaana ay fadhiyeen Xubno Tiradooda lagu sheegay 25-Xubnood waxa si weyn loogu lafo-guray soojeedin uu halkaas ka sheegay oo ahayd in Kooxdu furato Xarun labaad oo Xisbiga Kulmiye Hargeysa ku yeesho, iyadoo la shaacinayo wakhti ka duwan Midka Hoggaanka Xisbigu hore u iclaamiyey oo shirka Golaha dhexe ee Xisbigu qabsoomi doono. Maalinta Sabtida Berri ah ayey Kooxdu isku raacday inay iclaamiyaan ku dhawaaqista Shirweyne Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Yeelan doono oo ka duwan midkii sharciga ahaa ee uu hore Guddoomiye Muuse Biixi u shaaciyey si ay u carqaladeeyaan Habsami-u-socodka shirweynaha. Xubnahan Fadqalalada Shirweynaha Golaha dhexe ku hawllani kama ay madhnayn in tallaabada ay miiska wada saareen tahay mid jar iskaxoornimo ah tahay, waxase ay isku qanciyeen in ujeeddadoodu tahay sidii ay u qaadi lahaayeen Tallaabo kasta oo ay shirweynaha wax ku yeelli karayaan, waxana ay quud-darraynayaan in Madaxweyne-ku-xigeenku dhawaaqooda Sabtida dabadeed aqbali doono shuruudaha gurraxan ee ay la hor tageen oo uu hore uga soo diiday. Hungada Kooxdani Burburinta iyo carqaladaynta Shirweynaha Golaha dhexe ee Kulmiye ku hawllan, ayaa waxa ildheer ku eegaya Shacabka Reer Somaliland iyo taageerayaasha Xisbigaas, waxana loo arkaa koox baqaha ay Guuldarrada kusoo socota ka qabaan darteed cunfi iyo xume Bulshada ku tallaali karta. Xubnaha Kooxdan Hor boodaya oo ay ugu horreeyaan Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xildhibaan Kijaandhe iyo waliba Wasiir Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa wali sii wada shirar doceedyo bilaa natiijo ah oo ku gorfaynayaan sidii ay maaro ugu heli lahaayeen mushkiladda iyo wajigabaxa ay dhex dabbaalanayaan, waxase ay la’yihiin Dariiqii ay xal ku heli lahaayeen. Kooxdan Dibad-wareegga ah ee Doc-faruuraysa Shirweynaha, ayaa la filayaa inay sii wadaan shirarka hoose ee Natiijo la’aanta ah, maadaama ay ku adkaatay keenista qiil ay ku qancin karaan Mus-dambeedka Xisbigaas oo ay madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu ugu horreeyaan. Dhinaca kalena Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Saylici, ayaa Go’aanka uu gaashaanka ugu daruuray doodaha jaban ee Kooxdan waxa uu yahay mid Xisbiga Kulmiye iyo qarankaba lagaga fogaynayo khilaaf iyo is qabqabsi dambe, maadaama ilaa iyo haatan qabanqaabada shirweynaha Xisbigu si Habsami leh u socoto, isla-markaana ay gadh-wadeen ka tahay ciddii sharciyadda iyo awoodda u lahayd oo ah Guddoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi.